Xog cusub: Maxaa ka jira in DFS ay fashilisay afganbi ka dhan ahaa oo qorshihiisa ay dajisay Dowlada Imaaraadka Carabtay!

Xog cusub: Maxaa ka jira in DFS ay fashilisay afganbi ka dhan ahaa oo qorshihiisa ay dajisay Dowlada Imaaraadka Carabtay!

Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa talaabadii ay dowlada Federaalka ah ee Somalia ku xirtay Siyaasiga CC Shakuur oo kamid ahaa Musharaxiintii doorashada kula tartameysay Madaxweyne Farmaajo.

Warar hoose oo aan ka helnay ilo ka tirsan Xarunta Villa Somalia iyo Xafiiska Xeer ilaalnta, ayaa xaqiijiyay in kiiska weerarka CC Shakuur uu soo degdegay ka gadaal markii laga warhelay in Siyaasiga CC Shakuur iyo Ra’isul wasaarihii hore ee Somalia CCC Sharmaarke ay isla qorsheeyen fulinta afganbi ka dhan ahaa Farmaajo iyo Khere.

Qorshaha afganbinta ayaa la xaqiijiyay inuu ahaa mid maraayay heer gabagabo isla markaana la dhisay hanaanka loo qeybsan lahaa dowlada cusub ee ku imaan laheyd afganbiga.

Dowlada Cusub ayaa waxaa lagu soo dhisay shir khaas ahaa oo ka dhacay magaalada Abu Dhabi, kaa oo ay ka qeybgaleen ilaa Afar Siyaasiyiin oo uu kamid ahaa CC Shakuur, iyadoo qorshaha uu ahaa mid uu waday Ra’isul wasaarihii Hore ee Somalia CCC Sharmaarke.

Waxaa qorshahaan fashiliyay Xildhibaan ka tirsan BFS oo dhawaan dib u celiyay dhaqaale la sheegay in lagu marin habaabin lahaa, waxaana dhaqaalahaasi bixinaayay Dowlada Imaaraadka Carabta.

Ilo wareedka ayaa xaqiijiyay in DFS ay gacanta ku dhigtay Dukumiinti cadeynaaya in Dowlada Imaaraadka ay afganbinta ugu talo gashay lacag aad u cusley oo qiyaastii u dhexeysay 20 ilaa 40 Milyan.

Xogta aan ka heleyno Villa Somalia ayaa intaa kusii dareysa in Ra’isul wasaarihii hore ee Somalia CCC Sharmaarke uu isku diyaarinaayay inuu noqdo Madaxweynaha Somalia ee loo diyaariyay inuu ku imaado afganbiga, waxaana arrintiisa sheeda kala socday Dowladaha Imaaraadka, Sacuudiga, Ethiopia, Mareykanka iyo Israel oo dhinac ah.
Sidoo kale, dowlada Somalia ee uu Hogaamiyo Madaxweyne Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa ku howlan dadaal ay kusoo bandhigeyso Dukumiintiyo Qoraal iyo mid Muuqaal ah oo ay ka heshay goobaha lagu diyaarinaayay afganbiga iyo qeybo kamid ah dhaqaalaha loo qorsheeyay.

dhnka kale, DFS oo kaashaneysa dhinacyo kala duwan ayaa ku daba jirta shaqsiyaad kale oo la sheegay inay si dhow dowlada Imaaraadka kala shaqeynayaan dhaqangalinta talaabo waliba oo lagu carqaladeynaayo Qaranka.
Developed by Jago Desain