XOG:-Odoyasha iyo Ganacsatada Puntland oo wada qorshe lagu cadaadinaayo xukuumada gaas inay ka noqoto heshiiska dekeda loogu wareejinyo 30 sano Imaaraadka.

XOG:-Odoyasha iyo Ganacsatada Puntland oo wada qorshe xukuumada gaas ...
maareeyaha shirkada P&O ee dekeda bosaso oo ay ilaalo gaar a ay sugayso amaankiisa  

iyadoo ay muddooyinkan ay ahayd xaalada magaalada boosaaso oo ah isha dhaqaalaha puntland mid meel xun maraysay oo ay maalmahan xirnaayeen xarunaha ganacsiga.waxaana warar hoose oo warbaahinta soo gaaraya ay tibaaxayaan in isimada puntland ay ku wajahan yihiin magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka bari.

Ujeedada safarkooda ayaa ah sidii ay ugu cadaadin lahaayeen maamulka ka laabashada canshuur kordhinta cabashada ka dhex abuurtay Maamulka iyo Ganacsatada Dekedda Boosaaso.

Isimaddan oo ay soo gaartay qeylo-dhaan ay direen ganacsatada, waxay la kulmi doonan dhinacyada kala duwan ee ay saamaysay arintaani.

Boqor Burhaan Boqor Muuse oo ah Boqorka beelaha daarood ayaa hogaamin doona wada hadalo la filayo in ay ka bilowdaan magaalada Boosaaso.

Ganacsatada Boosaaso ayaa joojiyey in ay soo dajiyaan agabyada muhiimka ah, waxayna ka cabanayaan lacago ay sheegeen in lagu kordhiyey, Maamulkuna uu inkiray.
Developed by Jago Desain