Xulalka G/Banaadir oo 2-1 uga badiyay xulka Maamul goboleedka Jubbaland (SAWIRRO)

Xulalka G/Banaadir oo 2-1 uga badiyay xulka Maamul goboleedka Jubbaland (SAWIRRO)


Tartanka Ciyaaraha Dowlad Goboleedyada ayaa galabta lagu daah furay xulalka kubadda cagta Banaadir iyo Jubbaland, waxaana labada dhinac ay soo bandhigeen cayaar aad u heersareysa.

Tartankan ayaa furitaankiisa waxaa ka soo qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre, Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo xubno kale.

Taageerayaal aad u fara badan oo ka kala socday degmooyinka Gobolka Banaadir, watayna calamada Jubbaland, Gobolka Banaadir iyo Calanka Soomaaliya ayaa ka soo qeyb galay cayaartan.

Cayaartan oo aheyd mid xiiso badan ayaa waxaa 2-1 ugu dambeyn ku badiyay xulka Gobolka Banaadir, waxaana ay gacanta ku dhigeen Saddexdii dhibcood ee ugu horeysay Tartanka.

Wasiirka Dhalinyarada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa sheegtay Tartankan in si wanaagsan uu ku bolowday ayna rajeynayaan inuu ku soo dhamaado iyada oo aysan jirin tabasho.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa u mahadceliyay dhammaan xubnihii soo qaban qaabiyay Tartanka, wuxuuna cayaartoydka ugu baaqay in ay soo bandhigaan cayaar wanaag.
















Developed by Jago Desain