AKHRISO: -Guulaha Xukuumadda Nabad & Nolol waa istarayaan

AKHRISO: -Guulaha Xukuumadda Nabad & Nolol waa istarayaan


Dhawaantan R/wasaare Kheyre wuxuu ku dhawaaqay in agaasimeyaasha 25-ka wasaaradood iyo xafiiska bey’da R/wasaaraha iyo Xog’hayaha wasaaradda arimaha dibadda loo wada tartamaayo. Aqoon iyo khibradna lagu xulandoono xubnaha xililkaas qabanaya.

Si taas loo rumeeyo waxaa la magacaabay labo guddi oo kala sareeeya oo hogaaminaya hanaanka shaqaaleysiinta iyo kala-xulashada shaqsiyaadka hagidoona xafiisyada loo baratamaayo.

Guddiga ugu sareeya ee kormeeraya tartankaas iyo hanaanka shaqaaleynta wuxuu ka koobanyahay Wasiiro iyo xubno baarlamaan, waxaana hogaaminaya R/wasaare kuxigeenka dalka.

Waxaa la filayaa iney howshaasi u dhacdo si Daahfurnaan ah, loo simanyahay, caddaalad ah, dadka soomaaliyeedna aan lagu kala faquuqin. Waa markii ugu horereysey ee talaabo noocaas ah la qaado 27 sano ee u dambeysay. Waana talaabo mudna in lagu bogaadiyo Xukumadda Soomaaliyeed iyo madaxda Qaranka.

TALO SOO JEEDIN

Si loo hubiyo in himiladaas wanaagsani ay hirgasho waxaan ku talin laheyn in

1-Guddiga kormeerka iyo shaqaaleyntu ay ka fogaadaan wax kasta oo dhaawicikara Daahfurnaanta hanaankas.
2-In aan la ogolaan in Wasiirada  ay si dadban iyo si toos ah midna saameyn ugu yeeshaan hanaanka xulushada si loo soo saaro shaqsiyaad lagu keenay Qabiilnimo, Saaxiibbnimo ama dano kale oo musuqmaasuq ku jiro.
3-In la isku miisaamo tirada qabiilaadka, ayadoo laga foojignaanayo iney wasiirna uu xusho qof heybtiisa ah. Iyo
4-In Aqoonta, khibradda iyo Waayo-ragnimada shaqo ay noqonto waxa astaanta u ah hanaankaas wanaagsan ee lagu lagu hindisoonayo.

GUUL NABAD & NOLOL

Developed by Jago Desain