Akhriso Xog ku saabsan Farmaajo oo Goordhow Muqdisho ka Duulaya & Madaxda Wehlineysa

Akhriso Xog ku saabsan Farmaajo oo Goordhow Muqdisho ka Duulaya & Madaxda Wehlineysa

Madaxweynaha Jmhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa goor dhow la filayaa in uu u ambabaxo Magaalada Garoowe ee Xarunta Puntland.

Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa uu ka qeybgeli doono munaasabad loogu dabeeldegayo Afar Sano guuradii ka soo wareegtay markii la doortay Madaxweynaha Puntland oo ku beegan 8 Bishaan ee Janaayo.

Socdaalka Madaxweyne Farmajo ayaa waxa ku wehlin doona maanta Xubno ka tirsan labada Aqal ee Baarlmaanka Soomaaliya iyo Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada halka masuuliyiin kale ay ka sii horeeyeen.

Magaalada Garoowe ayaa waxaa haatan laga dareemayaa diyaar garoow ku aadan soo dhaweyntiisa,iyada oo lagu arkayo sawirka Madaxweynaha oo la suray Wadooyinka Garoowe.

Inta uu ku sugan yahay Madaxweyne Farmaayo Garoowe ayaa waxa uu kulamo kala duwan la qaadan doonaa Madaxda puntland ugu sareysa iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa tegi doonaa Magaalooyin ka mid ah Puntland sida magaalada Boosaaso.
Developed by Jago Desain