Daawo: Madaxwayne Farmaajo oo Mideeyay Caabudwaaq oo kala xirnayd iyo Khudbad Qiimo leh oo uu Jeediyey

MUUQAAL: Madaxwayne Farmaajo oo Mideeyay Caabudwaaq oo kala xirnayd iyo Khudbad Qiimo leh oo uu Jeediyey
Magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galguduud waxaa maalintii labaad ku sugan madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku jira maalintii 14-aad ee safarka uu ku marayey gobollada iyo magaalooyika dalka qaarkood.

Madaxwayne Farmaajo ayaa maanta ka qayb galay Munaasibad lagu qabtay Jaamacadda Umadda Faraceeda magaalada Caabudwaaq, Wuxuuna halkaasi ka jeediyey Khudbad dhinacyo badan taabanaysa, Wuxuuna Madaxwaynaha Markii uu shalay Halkaasi gaadhay Mideeyay Magaalada oo Kala qaybsanayd, Iyadoona ay dagaalo kusoo Noq-noqdeen.

Wuxuu siwyan uga hadlay Sida Bulshada Soomaaliyeed oo mid ah ugu wada baahantahay Inay Nabad kuwada Noolaato, Wuxuuna uga digay Halista Qabiilka oo uu sheegay inay tahay Cudur, Qofkii dhaqankaasi Keenayna uu mar hore Geeriyooday, Isagoona Bulshada ugu baaqay inay ka Xooraabaan Qabiilka, Taasi oo keenaysa inay gaadhaan Xadaarad iyo Wada Noolaansho, Wuxuuna ka hadlay sidoo kale Safarkii uu dalka ku maray iyo Qorshaha Dawladda Soomaaliya.

Developed by Jago Desain