DAAWO SAWIRADA:-Madaxweyne Farmaajo Oo Maanta Daah-furay Garoonka Cusub Ee Magaalada Garoowe

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa goordhaw si rasmi ah u daah furay garoonka cusub ee Diyaaradaha Janaraal Maxamed Abshir Muuse ee dhawaan laga dhisay magaalada Garoowe. Munaasabada lagu daah furayay Garoonkan cusub waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Soomaaliya, Wasiiro , Xildhibaano katirsan labada Aqal, Madaxweynaha Puntland iyo masuuliyiin iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay Munaasabadan. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyay munaasabada ayaa si weyn ugu amaanay Puntland sida ay uga shaqeysay horumarka iyo maamul wanaaga. Farmaajo iyo Masuuliyin kale oo katirsan Dowlada Soomaaliya ayaa shalay gaaray magaalada Garawe ee caasimada maamulka Puntland, waxaana la filayaa Madaxweynaha inta uu joogo Puntland uu booqdo goobo kale oo deegaankaasi katirsan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa goordhaw si rasmi ah u daah furay garoonka cusub ee Diyaaradaha Janaraal Maxamed Abshir Muuse ee dhawaan laga dhisay magaalada Garoowe.

Munaasabada lagu daah furayay Garoonkan cusub waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Soomaaliya, Wasiiro , Xildhibaano katirsan labada Aqal, Madaxweynaha Puntland iyo masuuliyiin iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay Munaasabadan.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyay munaasabada ayaa si weyn ugu amaanay Puntland sida ay uga shaqeysay horumarka iyo maamul wanaaga.

Farmaajo iyo Masuuliyin kale oo katirsan Dowlada Soomaaliya ayaa shalay gaaray magaalada Garawe ee caasimada maamulka Puntland, waxaana la filayaa Madaxweynaha inta uu joogo Puntland uu booqdo goobo kale oo deegaankaasi katirsan.

Developed by Jago Desain