DEG DEG:Dowladda Imaaraadka oo qayb ka ah duulaanka lagu soo qaaday Puntland & balanqaad adag oo ay samaysay Somaliland haddii

DEG DEG:Dowladda Imaaraadka oo qayb ka ah duulaanka lagu soo qaaday Puntland & balanqaad adag oo ay samaysay Somaliland haddii

Dowladda Imaaraatka oo qeyb ka ah duulaanka lagusoo qaaday Puntland iyo ballanqaad adag oo ay sameysay Somaliland haddii Garo

Sida ay xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonyahay imaaratka carabta ayaa u balan qaaday Somaliland inuu noqon doono wadanka ugu horeeya ee aqoonsi siiya, waxaa la aaminsan yahay balan qaadka Somaliland ka heshay imaaratka inuu sabab u yahay weerarka ay ku soo qaadaan ciidamada Somaliland deegaano nabad ah oo ka tirsan Puntland si ay u tagaan xuduudaha ay sheegato Somaliland.

Waxa ay u egtahay, qorshihii ahaa qaybi oo xukun ee imaaratku ka waday gobolada koonfurta inuu usoo wareejiyay dhinaca gobolada waqooyi iyo bari, isagoo raba inuu colaad ka dhex abuuro dadka soomaaliyeed.

Imaaratka & Somaliland, waxyaabaha kale oo ay ku heshiiyeen waxaa ka mid ah in masuuliyada dagaalka lagu eedeeyo oo dusha laga saaro dowlada soomaaliya gaar ahaan Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Waxana heshiiskaas cadeyn u ah hadalkii wasiirka arrimaha gudaha Somaliland oo durba bilaabay inuu Madaxweynaha Soomaaliya ku eedeeyo colaada ka taagan deegaanka.
Developed by Jago Desain