Kooxaha Liverpool iyo Barcelona oo ugu danbayn heshiis ka gaaray saxiixa Philippe Coutinho kadib markii ay soo qaateen

Kooxaha Liverpool iyo Barcelona oo ugu danbayn heshiis ka gaaray saxiixa Philippe Coutinho kadib markii ay soo qaateen

Kooxaha Liverpool iyo Barcelona ayaa ugu danbayn heshiis ka gaadhay saxiixa Philippe Coutinho kadib markii ay soo qaateen wada xaajoodyo adag oo soo socday maalmihii ugu danbeeyay. 

Liverpool ayaa ugu danbayn ogolaatay in Coutinho uu ku biiri karo Barcelona iyada oo tan iyo suuqii xagaagii la soo dhaafay 25 sano jirkan ka hortaagnayd in u Anfield ka baxo.

Coutinho ayaa isla marka heshiiskan la dhamaystiro u duulaya Spain iyada oo Camp Nou looga diyaar garoobayo waxaana la filayaa in caawa ama barri heshiiskiisa lagu dhawaaqi doono. Mid ka mid ah sheekadii suuqa kala iibsiga ugu adkayd ayay ugu danbayn soo gabagabayn doontaa Barcelona iyada oo haddaba Camp Nou la sudhay garanka No.7 oo magaca Coutinho lagu xardhay.

Barcelona ayaa Philippe Coutinho ka bixinaysa 160 milyan euros iyada oo 120 milyan eruos si toos ah u bixin doonta halka 40 milyan euros ay ku xidhanan doonaan kulamada uu safto iyo waxyaabaha uu Camp Nou ku gaaro.

Philippe Coutinho ayaa hore suuqii xagaagii iskugu dayay in uu Liverpool ku qasbo sidii uu Barcelona ugu biiri lahaa wuxuuna markaas maamulka Anfield uu farta ka saaray warqada uu ku dalbaday in uu baxo laakiin Jurgen Klopp iyo maamulka Liverpool ayaa meel adag iska taagay waxayna iska diideen in wax wada xaajood ah ay la galaan Barcelona.

Laakiin xaalada Liverpool ee Coutinho ayaa gabi ahaanba isbadashay suuqa bishan January iyada oo Barcelona ka ogolaatay in ay miiska wada xajoodka soo fadhiistaan, waxaana maalmihii ugu danbeeyay socday wada xaajoodyo waqti badan qaatay oo heshiiska Coutinho laysku mari waayay.

Barcelona ayaa ku qaqsbanaatay in ay dalabkeeda sare u qaado si ay Liverpool ugu qanciso in Coutinho uu Camp Nou ku soo biiro. Haddaba waxaa la soo gaadhay dhamaadka waqtigii Coutinho isaga oo waqti dhaw noqon doona ciyaartoy Barcelona ah.

Sida ay warbaahin aad u badani sheegayaan heshiiska Coutinho ayaa lagu dhawaaqi karaa 24 ka saacaadood ee socda oo ayna ka maqnayn in caawa lagu dhawaaqi karo. 


Developed by Jago Desain