Madaxweyne Farmaajo Oo Soo Gaba-gabeeyay Socdaalkiisii Nabadda, Dibna Ugu Laabtay Muqdisho.


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Weftigiisii ayaa soo gebagebeeyey safar qaatay muddo labo todobaad ka badan oo ku kala bixiyey deegaano hoos taga Dowlad Gobaleedyada Puntland iyo Galmudug.
Wafdiga Madaxweynaha oo ka duulay degmada Hobyo ee gobolka Mudug ayaa waxaa ka mid ah masuuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug, Wasiiro, xildhibaano iyo xubno kale.

Madaxweyne Farmaajo ayaa safarkiisa ka bilaabay 7-dii bishan Janaayo Magaalada Garoowe ee xarunta dowlad goboleedka Puntland, isagoona maray magaalooyin iyo degaano badan oo ka tirsan Puntland.
Maalmo ka dib ayaa Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa waxay soo gaareen magaalada Gaalkacyo, iyagoo u sii gudbay deegaanada hoos taga Maamulka Gamudug, waxayna Magaalada Dhuusamareeb kaga qeyb galeen shirkii midowga Galmudug iyo Ahlu sunna.

Madaxweyne Farmaajo ayaa safarkiisa ku soo gunaanuday degmada taariikhiga ah ee Hobyo, halkaasoo maanta duhurkii uu gaaray, isla markaana ku dhagax dhigay Dekeda Hobyo laga dhisayo iyo wado isku xireysa Hobyo iyo Caabudwaaq.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa ka hor inta uusan Hobyo tagin waxaa uu saacado ku sugnaa Cadaado oo uu mar kale dib ugu laabtay, si uu u xaliyo tabashada beesha Cadaado ka qabtay heshiiskii Ahlusuna iyo Galmudug.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo, oo Qoraal kooban soo dhigay Bartiisa Facebook, ayaa Sheegay in Socdaal uu ku maray Deegaanada Puntland iyo Galmudug 17 Maalmood, kaddib uu dib ugu laabtay Magaalada Muqdisho.

“Waxaan kusoo laabtay Muqdisho keddib socdaal qaatay 17 maalmood oo aan kusoo maray qaar kamid ah deegaannada Puntland iyo Galmudug.” ayaa soo Dhigay Facebook-giisa.

Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada ayaa sheegtay in socdaalkii Nabada iyo Dib u Heshiisiinta ee Madaxweynuhu ku tagay gobolada dalka uu si nabdoon ugu soo dhamaaday, waxaana ay Sheegeen in laga soo saarayo war saxaafadeed, guulihii laga gaaray iyo dib u heshiisiintii ka dhalatay.

Xeel Dheerayaasha odarasa siyaasadda Dalka ayaa sheegaya in safarka Madaxweynaha ay ka dhasheen is bedelo badan iyo heerkii mucaaradadii oo yaraatay iyo Madaxweyne Farmaajo oo soo dhoweyn aad u weyn loogu sameeyay deegaanadii uu booqday oo boqolal dadweyne ay isugu soo baxeen
Developed by Jago Desain