Mooshinka Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ay ka wadaan madaxweynaha Puntland C/weli Gaas oo sii xoogaystay

Mooshinka Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland qaarkood ay ka wadaan madaxweynaha Puntland Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas

Wararka ka imaanaya magaalada Garoowe ee caasimada Puntland ayaa sheegaya in uu sii xoogaysanayo Mooshinka Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland qaarkood ay ka wadaan madaxweynaha Puntland Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas.

Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ee Mooshinkani dabada ka riixaya ayaa hanjabaad culus u diray gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland oo ay ugu hanjabeen in ay xilka ka qaadi doonaan hadii uusan kusoo xaroon sida ugu dhakhsaha badan.

Xildhibaanadan ayaa ku dhaliilsan madaxweyne Gaas waxqabad la’aan, musuq maasuq, dhaqaale xume iyo xaalada Puntland oo faraha kasii baxaysa, waxaana ay gudoomiyaha Baarlamaanka hore ugala hadleen meel marinta Mooshinkani inkastoo xiligaasi uu ku sugnaa magaalada Muqdisho oo uu kaga qayb galay shir weyne balaadhan oo looga hadlayey nidaamka ay kuwada shaqayn doonaan Baarlamaanada dowladd goboleedyada iyo Baarlamaanka dowladda federaalka Soomaaliya.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi ayey hore ugu qabteen Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland in uu ku yimaado magaalada Garoowe ee caasimada Puntland muddo 48 saacadood ah, inkastoo hawlihiisa shaqo uu xiligaasi iska sii watay.
Developed by Jago Desain