Qaban qaabada soo dhaweynta madaxweynaha soomaaliya oo ka socota caasimada puntland ee garoowe

Qaban qaabada soo dhaweynta madaxweynaha soomaaliya oo ka socota caasimada puntland ee garoowe

Magaalada Garowe ee caasimada puntland waxaa laga dareemayaa qaban qabaabada soo dhaweynta madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ku soo wajahan magaaladaasi maalmaha soo socda.

Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka soo baxay Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya iyo Xildhibaano hordhac u ah booqashada madaxweyne Farmaajo uu ku imanayo Puntland,kuwaasoo soo gaaray magaalada Garowe ee xarunta Maamul goboleedka Puntland.

Sida aya horay u sheegtsy shabakada Baargaal.net Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa la filaya  in maalmaha soo socda u soo ambabaxaan magaalada Garowe,iyadoo sidoo kale madaxweynaha deegaano kale oo ka tirsan Puntland uu booqon doono sida lagu helay warbixin hoose oo ka soo baxday madaxtooyada somalia

Developed by Jago Desain