Sawiro: Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo dhagax dhigay wadada Kalabayr- Caluula

Sawiro: Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo dhagax dhigay wadada Kalabayr- Caluula

Madaxweynaha jamhuuriyada fedraalka soomaaliya mudane  maxamed cabdulaahi farmaajo oo ku guda jira safarkiisii loogu magac daray cocdaalka nabada soomaaliya  ayaa maanta ayaa Manta oo taariikhdu tahay 11.Jan.2018, dhagax dhigay wada isku xiri doonta  kalabayr ooka tirsan gobolka bari  ilaa magaalada caluula ee xarunta gobolka gardafuu  oo baahi badan loo qabay in laga hirgaliyo jid laami ah 

shacabka iyo waxgaradka deeganaadsi ka soo jeeda iyo bulsho kale oo badan oo jecel horumarka iyo isdhexgalka bulshada ayaa madaxweynaha dalka ku amaanay tabaadan lagu dhagax dhigay wadadan laamiga laga dhigayo ee isku xirta Dalka iyo deegaanadiisa bari ee fog fog oo ah deegaano ballaran waxsooraa badana leh iyadoo wadadni ay Dalka u leedahay muhiimad weyn, wax-weyna ka taraysa dhinacyada kala duwan ee nabadgelyada, dhaqaalaha iyo isku xirka Dalka

wadadan ayaa maraysa dhul dhan 560 km 11 degmo , 3 gobol iyo 275 tuulo waana dhulka dhaqaalaha ugu badan puntland waxay leeyihiin xoolaha nool, xabkaha maydiga , fooxa , beeyada , kaluunka iyo khayraadka badda , geedihii timirta oo ay deegaanadaasi caan ku yihiin iyo wax yaabo kale oo aan la soo koobi karin 

Wadadan ayaa wax wayn ka badalaysa isu spcodka gobolada bari , karkaar iyo gardafuu
Halkan Ka dhagayso khudbadihii laga jeediyay











Developed by Jago Desain