Sawiro: Magaalada Baargaal oo lagu soo gabagabeeyay koobka Alkhaliiji Super Cup

Sawiro: Magaalada Baargaal oo lagu soo gabagabeeyay koobka Alkhaliiji Super Cup
Koobka Alkhaliiji Super Cup  ayaa galabtay oo jimce ah  lagu soo gabagabeeyay garoonka kubada cata Balagle Stadium ee magaalada Baargaal , waxaana Ciyaartii kama dambaystii ahayd isugu soo haray Kooxaha FC Star iyo kooxda Haydhaafin general.

Koobka oo ay ka qaybgaleen 4 kooxood ayaa kulamadiisa la ciyaaray intii u dhaxaysay 20kii ilaa 25/1/2018, waxaana kulankii galabtay uu  dhexmaray Kooxaha Fc star  iyo Haydhaafin  ay guushu 2-0 ku raacday kooxda FC star oo maanta la gudoonsiiyay koobkii iyo biladihii  .

qabanqaabiyaha koobkan  Alkhaliiji super cup mudane maxamed alkhaliiji , ayaa ugu horrayn u hambalyeeyay kooxda FC star ee ku guulaysatay Koobka Alkhaliiji Super Cup . Waxaa kaloo uuna tilmaam ka bixiyay ujeedada ay ka lahaayeen qabashadda koobkan, waxaana uu sheegay in ay ahayd oo kaliya sidii dhalinyarada loogu madadaalin lahaa wakhtiyada fasaxa oo looga mashquulin lahaa mukhaadaraadka iyo Tahriibka, waxaana uu u mahadceliyeen dhammaan kooxihii iyo dhalinyaradii ka qaybgashay koobkan.
maxamed alkhaliiji ayaa sidoo kale sheegay in sidoo kale lau dhawaaqay  boortiyeerihii ugu fiicnaa koobka sanadka ,  lacibkii ugu goolsha badnaa iyo hogaamiyihii ugu fiicnaa koobka waxan dhamaan dhalinta degmada inta gulysaty iyo inta aan guulaysan uga mahad celinyaa sida habsmida leh ee horumarka ay ujecelyihiin

maxamed alkhaliiji ayaa shirkadaha iyo hay'adaha ka shaqeeya arimaha dhalinyarada iyo wasaarada dhalinyarada iyo xiriirka kubada cagta puntland iyo fedraalka ugu baaqay inay ka qayb qaataan sidii deegaanka looga hirgalin lahaa  garoomo habaysan si dhalinyaradu iyagoo nabadqaba oo aan waxba gaarin ay garoomada uga baxaan.


Koobkan maanta soo idlaaday oo loogu magacdaray alkhaliiji super cup  ayaa ahaa mid aad uxiiso badan ayna dhalinyarada magaaladu ay aad ula socdeen, waxaana qabanqaabadiisa iyo taageerdiisa iska lahaa mohamed alkhaliiji oo si mudadawcnimo ah ugu qabtay koobka dhalinyarada deegaanka wakhtiga fasax ah 

Shabakada Baargaal.net 
isha wararka horumarka calbari 
Baargaal@gmail.com





Developed by Jago Desain