Senator Cumar C/rashiid oo magaalada Kismaayo ka wada qorshe ka dhan ah Dowladda Federaalka

Cumar C/rashiid oo magaalada Kismaayo ka wada qorshe ka dhan ah Dowladda Federaalka

Senator Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke Ra’iisal Wasaarihii hore dowladda Soomaaliya ayaa ku sugan magaalada Kismaayo, isagoona kulamo kala duwan la yeelanaya madaxda maamul goboleedka Jubaland.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in senator Cumar C/rashiid oo magaalada Kismaayo soo gaaray maalintii Arbacada uu ku guuleystay in madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe uu ka baajiyo ka qeyb galka heshiiska Galmudug iyo Ahlu Sunna ee ka dhacay magaalada dhuusomareeb

Arrimaha ay ka wadahadleen senator Cumar C/rashiid iyo Axmed Madoobe waxaa ka mid ah: 

isbaheysi ka dhan ah Dowladda Federaalka oo ay labada dhinac isku afgarteen, isla markaana dowladda Imaaraadka ay dhaqaale ku siineyso maamulka Jubaland.

Waxaa kale oo ka mid ah in maamulka Jubaland oo taageero buuxda u siiyo dowladda Imaaraadka Carabta oo iyadu ka horjeeda dowladda Soomaaliya, iyadoo Madaxweyne K/Xigeenka Jubaland Maxamuud Sayid Aadan laga hor istaagay inuu ka dhoofo garoonka diyaaradaha Kismaayo si uu uga qeyb galo heshiiska Galmudug iyo Ahlu Sunna.

Cumar C/rashiid oo markiisii hore ka yimid magaalada Dubai ee wadanka Imaaraadka Carabta ayaa la filayaa inuu u kictimo magaalada Garowe si uu maamulka Puntland ugala hadlo qorshihiisa ku aadan majaxaabinta Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Developed by Jago Desain