Wasiirka Boostadda oo Shirkadaha Isgaarsiinta uga digay inay dalka keenaan fure Isgaarsiineed oo cusub

Wasiirka Boostadda oo Shirkadaha Isgaarsiinta uga digay inay dalka keenaan fure Isgaarsiineed oo cusub

Wasiirka Wasaaradda Boostada, Isgaariinta iyo Tiknoolajiyada Cabdi Cashuur Xasan ayaa sheegay in aysan suurtogal ahayn in uu dalka ka shaqeeyo fure aan ahayn dalku galka dalka ee 252 ee Soomaaliya isaga oo sidoo kale digniin adag u jeediyey Shirkadaha Isgaarsiinta iyo Cidkasta oo isku dayda in ay dalka soo gelisa Isgaarsiin ku shaqeysa fure aan ahayn 252 in ay wasaaraddu awood u leedahay xanibaad adeeggooda ah.

Hadalkan oo uu Wasiirku ku faafiyey Bartiisa facebook-ga ayaa waxa uu sheegay in Wasaaraddiisu ay gacanta ku hayso qorshe dib u habayn balaaran loogu samaynaayo qorsheynta Lumberada ay isticmaalaan dhamaan shirkadaha Isgaarsiinta ka shaqeeya dalka oo ay bilawdeen wadatashiyadiisa.

Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in ay dhawaan dhamaystiri doonaan howlaha la xiriira hawlgelinta Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka.

Haddalkan ka soo yeeray Wasiirka ayaa waxa uu u muuqdaa mid jawaab u ah Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Somaliland C/wali C/llahi Suufi oo dhawaan  sheegay in uu ku dadaalayo in Somaliland hesho fure dal Isgaarsiineed oo aan ahayn midka 252 ee ay leedahay Soomaaliya.
Developed by Jago Desain