Wax ka Baro Lacagta Qaaliga ah Ee Bitcoin oo Ah Musiibo Suuqa Ka Saari Doonta Dollar-ka Mareykanka

Wax ka Baro Lacagta Qaaliga ah Ee Bitcoin oo Ah Musiibo Suuqa Ka Saari Doonta Dollar-ka Mareykanka
Ganacsiga Internetka ayaa si weyn ugu tiirsan waxa loogu yeero qeybta sadaxad oo ah Hay'ado iyo bangiyo ka shaqeeya kala wareejinta lacagaha dadka waxku kala iibsada internetka kuwaas oo ey lacagtu sii marto halkasna Qidmad ku goosta.

Inkasta oo ay si wanaagsan u shaqeeyaan hadana dad badan ayan qanaaco ku qabin iney sii marto lacagtooda madaama laga yaabo iney kala gadanayaan wax aan la ogoleyn amaba ey si qarsoon lacago ugu kala wareegayaan dad si aad ah loo doondoonayo.
Hadaba waxaa halkaasi ka dhalatay baahi loo qabo in la helo nidaam lacag bixin oo Electronic ah oo ku saleysan qarsoodi iyo ammaan ( Cryptography) aan loo baahaneyn koox sadexaad oo la aamino.

Waa Maxay Cryptocurrency?.



Sida taariikhyahanadu sheegaan cryptocurrence waxay soo baxday intii uu socday waxa loogu yeero "Dagaalkii 2-aad ee Dunida” Waa lacag Dhijitaal ah (Signal iyo Data) tasoo ka sameysan xarfo iyo numberro sir oo la xakameyay, waa lacag la xariirta internetka tasoo isticmaasha Cryptography(  hab xogta caadiga ah loogu badalo wax aan la jabsan Karin, ) si aan loo daba galin wixii lakala gatay ama lakala wareejistay.
Cryptocurrency gii ugu horeeyay ee soo Muuqda waaxa uu ahaa Bitcoin. Kaaso oo soo shaacbaxay 2009kii ilaa hadana waa midka ugu caansan. wixii ka danbeeyay waxaa soo baxay ilaa 1,000 nuuc oo kale oo ku dhex yaacsan internetka. Shanta lacagood ee ugu caansan waxay kala yihin;
1. Bitcoin
2. Ethereum
3. Ripple
4. Litecoin
5. NEM


Hadaba Mowduuceenan waxaan si faahfaahsan kaga hadli doonaa Bitcoin oo noqday nuuca ugu caansan uguna xiisaha badan ee sida aadka u xawaaraha dheereysa u baahaya. Waxaana bilihii la soo dhaafay aqoonsanayay suuqyada ganacsiga ee reer Galbeed ah.

Waa maxay Bitcoin?
Bitcoin: waa lacag cusub oo uu abuuray qof aan la garaneyn oo lagu magacaabo Satoshi Nakamoto, sanadku markuu ahaa 2009kii. Majirto cid kontroosha ama gaar u leh, mana ahan lacag daabacan ee waa lacag hawada uun ku jirta oo wax loogu gato si Electronic ah ama loo keydsado si electronic ah.

Wax ku kala gadashada Bitcoin waxa la sameeyaa iyadoo eysan jirin wax u dhexeyn labada qof ee wax kala gadaneysa, taasi oo meesha ka sareeysa baahida loo qabo Bangiyada iyo xawaaladaha lacagaha la isugu diro. Hadaba ha ku qaldin kuwa u eg sida Bcash, BCH iyo bitcoin cash.

 Yaaa Abuuray bitcoin?.
2009 Aragtida iyo qaab dhismeedka bitcoin waxa soo saaray qof aan la garaneyn oo isku magacaabay Satoshi nakamoto Kaas oo wax yar oo xogtiisa kamid ah kashifay kadibna dhammaadkii 2010  iskaga tagay gabi ahaanba mashruuca. Hase yeeshee dadka isticmaala bitcoinka ayaa si aad u badanayay tan iyo markaas.

Aqoon la’aanta Satoshi waxay sababtay walaac aan munaasab ahayn madaama aan la fahamsaneyn Koodkeeda furan (open source) ee qofkasta uu gaari karo, dadka softweeradeeda Hormariyana ey wax ka bedeli karaan sidaas darteed ayuu qofkii bitcoin soo aas aasay ula mid yahay qofkii soo aas aasay waraaqda wax lagu qorto madaama qof kasta u awoodo inuu wax ku qorto eeysana jirin cid loo diidanyahay iney wax ku qorato.

Sidee Loo isticmaala.
Bitcoin waxay leedahay Software aad ula soo dagi karto si free ah Computerkaaga ama Telefonkaaga kaas oo kuu abuuraya Shandad bitcoin ah taasi oo aad ku dirsan karto laguuguna soo diri karo lacagta bitcoin. Waxaa jira wax la yiraahdo "Plockchain” kaasi oo ah meel eey ku diiwaan gashanyihiin Dhammaan kala wareejis kasta (transaction) oo dhacay, isla markaas diiwaan galintaasi waa mid guud oo qof kastaa uu arki karo lana soconkaro. Bitcoin uma baahna macluumaad kaaga sida magacaga iyo meeshaad joogto. kaliya waxay u baahantahay in aad heysato internet isla markasna aad sameysato shandada bitcoin.

Waxaa jira Mu’asasat caalami ah oo u aas aasan iney kala wareejiyaan lacagaha bitcointa, qaarkood waxay hayaan lacagta bitcointa oo waa sariflayaal qaarkoodna waxay isku aadiyaan dadka lacagta bitcointa heysta iyo kuwa raadinaya. Bitcoin kor ayay u socotaa tan iyo markii la aasaasay hadda oo la joogo waxay lagu sarifaya Dhowr iyo tobankun waxana la rajeynayaa ilaa 2020 iney kor usii kici doonto.


Mar haddey tahay waxa kaliya ee aad u baahantahay inaad bitcoin soo iibsato ama aad iska iibiso cinwaan aad ka sameysato Shandada bitcoin isla markaasna eeysan meesha ku jirin gacan sadexaad oo labadiina idiin garqaadeysa hadii qalad yimaado ayaa ah su’aasha isweydiinta mudan hadaba yaa ilaalinaya lacagta qofka aan kala wareegsaneyno?.

Bitcoin waxay isticmashaa xisaabad adag oo aan cidna jabsan Karin inta laga war hayo isla markaasna suurta gal maaha in lagaa ceshto lacag laguu soo diray adiguna ma ceshan kartid Bitcoin aad qof u dirtay sidaas waxa lama huraan ah inaad ka fiirsato iney munasab tahay o la joogo xiliggii aad qofka lacagta u diri lahayd oo ay wax walbaa saxanyihiin.
Hadaba majirto Qiyaano, muhiim ma ahan in lagu aqoonsado taasi oo sababi karta in shaqsiyan laguu soo weeraro.
Halkii Bitcoin ah waxaa lagu sarrifaa lacag ka badan 15,000 dollar maalinba waa qiimo hor leh maalmo ka hor wuxuu gaaray halkii Bitcoin 18,000 oo lacagta dollarka Mareykanka ah.

Bitcoin Technology

Markii aad ku Dagsatid telefankaaga ama kumbuyuutarkaaga softwareka bitcoin, waxa aad ka abuuraneysaa wax la yiraahdo Bitcoin wallet, taasi oo kuu suurta galineysa inaad ka sameysato cinwaan (Address) kuu qaas ah oo aad wax ku shubato.
Bitcoin wallets ku waxa ay kala yihiin:
-Shandad online ah, -Mid boors ahaan loo qaada karo, -Mid software ah oo lala soo dagi karo, iyo Mid warqad ah oo la daabacay.
Blockchain: waa aalad wadaag ah oo eey ka diwaan gashanyihiin dhamaan shabakadaha bitcoin oo aan lahayn meel dhexe oo laga maamulo. Dhammaan waxa kala gadashadii la xaqiijiyay oo dhan waxay ku ku diiwaan gashanyihin Blockchainka, qofkastana waxa u heystaa copy kamid ah waxa kala gadashada dhacday sidas darteed shandada bitcoin waxa u suurtagaleysaa iney xisaabsato Haraageeda.
Maamulka Shabakada Bitcoin
Ma jirto cid Iska leh bitcoin, waa hab xisabeed qofkastaa oo isticmalayaasha kamid ah wax ka maamulo, sidaas darteed majirto cid leexleexin karta hanaanka birtcoin. Dadka hormariya softwareeda bitcoin sidey raban kama yeeli karaan sababtoo ah isticmaaluhu waxa uu marwalba doranayaa hanan ey kuwada tacaamuli karaan oo dhammantood uwada saamaxaya wax kala waregsiga. Bitcointu waxay ku shaqayn kartaa kaliya hanan hufan oo eey isku raacsanyihiiin dhamaan isticmaalayeesha.


SIdee Loo helaa Bitcoin.
Bitcoin waxaa lagu helaa dhowr siyaabood:
- Inaad qof heysta uu kaaga adeegto.
-Inaad inta lacag bixisid kalasoo wareegtid qolo ka ganacsada sarifkeeda.
-In qof aad isku dhowdihiin aad lacag ugu sariftid.
-Iyo inaad soo qodato (bitcoin mining)
Bitcoin Mining( Qodashada Bitcoin) 
Hadii lagu yiraahdo lacagta bitcoin waa la qotaa!! waxay kugu noqoneysaa shey cajiib ah taasi oo xiisa gaar ah leh islamarkaasna aad isweydiineyso lacag la qodanayo. Su’aalaha maskaxdaada kuso dhacaya waxa kamid ah hadaba qof kastaahu muxaa ka hortaagan inuu qoto?
Hadaba ogow Isticmaalayaasha lacagatan cusub ee bitcoin intooda badan ma qotaan sababtoo ah ma fududa in la qoto oo waxay leedahay caqabado badan oo hortaagan in la qoto. Caqabadahaas waxaa kamid ah, Qodashada bitcoin waxaa ku baxa koronto aaad u badan waxay u baahantahay qalab heer sareeya sida Processors(CPU) waa weyn oo qabta shaqadaas adag hase yeshee CPU laptobyada ayay quburadu sheegeen inuusan shaqadaas ku qaban Karin tobanaan sano.

Qodashada ayaa ah mashruuc aad u fiican oo ah fursad taagan oo u furan cidkasta lakiin waxay u baahantahay maalgashi farabadan iyo inaad hesho bey’o ku surta galineysa inaad abuurato bitcoin.

Dadka caanka ah ee wax ka yiri Bitcoin.

Bilihii u danbeeyay, Bitcoin waxay safka hore kasoo gashay mowduucyada sida aadka ah loogu soo qaato warbaahinta caalamka iyado wax laga weydiiyay qaar kamid ah Shaqsiyaadka maalqabeenada ah iyo kuwa magaca leh ee Caalamka. Dadka wax laga weydiyay waxa kamid ah:-
1. Bill Gates: Milkiilaha Sharikada Microsoft kasoo lagu tilmaamo inuu yahay shaqsiga ugu hantida badan dunida.
" Bitcointu waa mid xiiso leh maxa yeelay waxay muujineysaa sidey raqiis u tahay. Bitcoin way ka fiicantahay lacagta caadiga ah maxa yeelay muhiim maaha iney muqaal ahan u heystatid. Dabcan, Kala warejisyada(transactions) faraha badan waa lagaga fiicanyahay lacagta caadiga ah
" Waxay ila tahay farsamo cajiib ah o lala dhaco, lakiin waa meel eey Dowladuhu kasii ambaqaadi karaan kaalintooda muhiimka ah” oraahahaas waxaa yiri Bill Gates.
2. Dr. Eric Schmidt: Waa mid kamid ah madaxda shirkada Google waxa uu ka hadlayaa doorka Bitcoin: " Farsamada bitcoin wax aka dhigantahay hormar la taaban karo oo laga gaaray Cryptographyga” ayuu yiri Eric.
Dad farabadan ayaa ka hadlay oo aynan soo koobi Karin eey kamid yihiin siyaasiyiin xilal kasoo qabtay Dowladaha maraykanka iyo Ruushka waxana kamid ah madaxweyne ku xigeenkii hore e maraykanka Al Gore. 


W/ Q Hilaal Colaad

Developed by Jago Desain