DAAWO:- Halkee Ku Danbeeyeen Doonyihii Kalluumeysiga Ee Puntland Ogolaashaha U Siisay In Ay Badda Ka Kalluumeystaan?

DAAWO:- Halkee Ku Danbeeyeen Doonyihii Kalluumeysiga Ee Puntland Ogolaashaha U Siisay In Ay Badda Ka Kalluumeystaan?

Dooni nooca kalluumeysiga ah oo lagu magacaabo Chotechai Navy 35 oo laga leeyahay dalka Thailand ayaa lagu qabtay xeebta magaaladda Bagnkok ee wadanka Thailand iyadoo sida shixnad kalluumeysi oo aad uga tiro badan qorshihii loo ogolaaday ee kaalluumeysiga in ay baddaha Puntland kala baxaan, waxaana lagu maxkamadeynayaa waddankaas iyadoo lagu ciqaabi doono in ay kalluumeysi sharci darro ah soo gelisay waddanka Thailand.

Dowlad Goboleedka Puntland ee uu Madaxweynaha ka yahay Dr. C/wei Maxamed Gaas ayaa bishii ulay ee sandkii la soo dhaafay waxat 7 doonyood oo sitay calanka dalka Jabuuti u ogolaatay in loo siiyeyo ruqsad ay ku jariifi karaan baddaha Puntland.

Doonyahan oo sitay callanka Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa ogolaashaha waxaa laga siiyey dekedda magaaladda Boosaaso bishii July 2017kii, haseyeeshee, dowladda Jabuuti ayaa waxay ku tilmaantay Maraakiibtaas in ay sifo sharci darro oo been abuur ah ay u isticmaaleen callanka Jamhuuriyadda Jabuuti, aysan waxba kala socon, Agaasimihii hore ee hay’adda la dagaalanka Burcad badeedda Puntland C/risaaq Maxamed Dirir (Ducaysane) ayaa sidaas Saxaafadda u sheegay.

Dowladda Thailand ayaa ku eedeysay Markabka Chotechai Navy 35 in uu soo jilaabtay kalluun iyo noolayaal kale oo lagu sheegay 500,000 Kg iyadoo maamulka Puntland uu ogolaasho u siiyey 270,000 Kg.

Agaasimuhu wuxuu kaloo sheegay in 7-da doonyood ay u isticmaaleen kalluumeysigooda shabaagaha mamnuuca ka ah, wuxuu kaloo intaas ku daray in 4 ka mid ah doonyahaas ay hadda ku sugan yihiin dalka Iiraan iyadoo labada kalena ay joogaan dalka seychelles.

Mudane Ducaysane wuxuu kaloo intaas ku daray in Dowaldda Federaalka Soomaaliya ay horayba dacwad uga gudbisay doonyahaas, wuxuuna Wasaaradda Kalluumeysiga Puntland ku tilmaamay mid qayb ka ah xaalufka Kalluumeysiga lagu hayo iyadoo uu Madaxweyne Gaas qudhiisuna uu qayb ka yahay, waa siduu hadalka u yiriye.

Toddobaadkan ayay aheyd markii ay Dowladda FS iyo Hogaamiyayaasha Goboladda Soomaaliya ay ku heshiiyeen qaabka loo wadaagayo kheyraadka baddaha Soomaaliya iyadoo Maamuladda Goboladda loo jideeyey in ay ruqsadaha kalluumeysiga bixin karaan masaafo dhan 24 Neutical Miles iyadoo Dowladda dhexena masuul ka noqon doonto wixii intaas ka durugsan.

Labadda dhinac ayaa ku heshiiyey in la unko Hay’ada Kalluumeysiga Soomaaliyeed oo masuul ka noqon doonta ilaalinta Kalluumeysiga iyo kheyraadka badda.

Maamulka Puntland ayaan weli ka hadlin halka ay ku danbeeyeen 7dii doonyood ee sanadkii la soo dhaafay ay uogolaasha u siiyeen in ay jariifaan baddaha Puntland.

Hoos ka Daawo Warsaxaafadeedka Agaasimihii hore.


Developed by Jago Desain