DEG DEG+DHAGEYSO: Dawladda PL oo si adag uga jawaabtay wararka sheegaya in Shirkada DP WORLD ay diiday in la badbaadiyo Doon & Markab kucaariyey Xeebaha Boosaaso

DEG DEG+DHAGEYSO: Dawladda PL oo si adag uga jawaabtay wararka sheegaya in Shirkada DP WORLD ay diiday in la badbaadiyo Doon & Markab kucaariyey Xeebaha Boosaaso

Wasiirka Dekeddaha, Gaaadiidka Badda iyo Dambiyada ka dhaca baddaha Puntland Siciid Maxamed Raage aya si adag uga jawaabay wararka sheegaya in Shirkada DP WORLD ee maamusha marsada Boosaaso ay diiday in ay badbaadiso Doonta Al Xaafiis ee ku caariday agagaarka Xeebta magaalada.

Wasiirka ayaa sheegay in waqtiga lasoo wargaliyey iyo waqtiga amarku dhacayba ay ahayd waqti aad iskugu dhaw, wuxuuna sheegay in markiiba ay ogaadeen in doonidu aysan wax ka qabasho laheyn.

Mr, Raage wuxuu cadeeyey in aysan waxba ka jirin wararka sheegaya in DP WORLD ay diiday in doonidan ay shalay kusoo xirato Dekeda magaalada Boosaaso, isagoo sheegay in wararkaas ay yihiin kuwa ladoonayo in bulshada lagu kiciyo.

Wasiirku wuxuu kaloo daaha ka rogay in uu isagu ahaa qofkii ugu horeeyey ee u howlgalay dhacdadan, isla markaasna markii u Deked-da yimid shaqaaluhu kuwargaliyeen in Doonidu aysan hadda badbaado laheyn.

Ganacsatada qaarkood oo la hadlay warbaahintu waxay si kulul ugu dhaliileen Shirkada DP WORLD in ay leedahay masuuliyadda lagu badbaadin waayey Hantidooda, waxayna sheegeen in mudo dheer loo diidanaa in ay soo xirato oo ay shalay doonidu timid Xeebta magaalada Boosaaso.



HALKAN HOOSE KA DHAGEYSO


Developed by Jago Desain