Faah faahin: Weerar caawa ka dhacay Magaalada Boosaaso

Faah faahin: Weerar caawa ka dhacay Magaalada Boosaaso

Wararka inaga soo gaaraya caawa saldhiga Booliska Magaalda Boosaaso ayaa waxa ay sheegayaan weerar loo adeegsaday qaraxyo iyo rasaas toos ah in koox hubeysan ay ku qaadeen saldhiga Booliska magaaladaasi.

Weerarkan oo rag hubeysan ay geysteen ayaa waxa ay la beegsadeen saldhiga Booliska magaalada oo ku yaalla agagaarka Dekeda ee bartamaha magaalada Boosaaso.

Warar soo baxaya ayaa waxa ay sheegayaan in weerarkaasi ay ku dhaawacmeen Saddex Askari oo uu ku jiro Taliye ku xigeenka saldhiga Booliska nugaal

Ciidamada ammaanka Puntland ayaa soo afjaray weerarka, waxaana halkaasi ay ka wadaan baaritaano ku aadan xaqiijinta amniga.

Ururka Al-Shabaab oo sheegtay masuuliyadda weerarka ayaa waxa ay sheegeen in ay dileen saraakiil Puntland ah iyo Ciidamo.
Developed by Jago Desain