Xog cusub: Khilaaf bilo jirsaday oo u dhexeeyay Kheyre & Jawaari oo xal laga gaaray

Xog cusub: Khilaaf bilo jirsaday oo u dhexeeyay Kheyre & Jawaari oo xal laga gaaray

Wararka naga soo gaaraya xarunta Villa Somalia ayaa sheegaya in xal Siyaasadeed laga gaaray Khilaaf hoose oo waayadan ka dhex aloolsanaa Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Kheyre iyo Guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.
Khilaafka oo taagnaa muddo ku dhow afar bil ayaa waxaa la xaqiijiyay in dadaalka lagu xaliyay ay iska kaashteen Madaxweynaha dalka Farmaajo iyo Xildhibaano ku dhow dhow laba mas’uul.
Khilaafka ayaa la sheegay xalintiisa in looga maarmi waayay qaboojinta Mooshino iyo Kacdoon Siyaasadeed oo ay wadaan Xildhibaanada mucaaradka ee ka tirsan baarlamaanka waxaana saacadihii ugu danbeeyay lagu guuleystay xal u helida khilaafka Kheyre iyo Jawaari.
Illo wareedyo ka tirsan Xafiiska Ra’isul wasaare Kheyre ayaa inoo xaqiijiyay in Khilaafka Gudoomiyaha iyo Ra’isul wasaaraha uu dhashay kadib markii Xasan Cali Kheyre si latashi la’aan ah u xaliyay dhibaatooyin taagnaa oo heerkooda gaarsiisanaa in la horgeeyo baarlamanaka Somalia.
Jawaare ayaa Ra’isul wasaare Kheyre ku eedeeyay inuu faragalin ku hayo shaqooyinka baarlamaanka, waxa uuna farta ku goday inuu banaanka ku xaliyo howlaha khuseeya baarlamaanka.

Labada mas’uul ayaa waxaa iminka Khilaafkooda loo  xaliyay si looga hortago mooshin la sheegay inay wadaan Xildhibaanada mucaaradka ee doonaaya inay cuuryaamiyaan shaqooyinka Xukuumada.
Geesta kale, Ra’isul wasaare Kheyre iyo Jawaari ayaa maalmahan si wada jira uga wada shaqeyn doona talaabo waliba oo lagu fashilinaayo Mooshinka ay maleegayaan Xildhibaanada qaswadayaasha.
Developed by Jago Desain