Akhriso: Shirqool Loo Dhigay Raysal Wasaare Khayre iyo Imaaraadka Oo Wada Dhabar Jabka Somalia


Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa ku dhaqaaqday tallaabadii ugu weyneyd ee ay ku faragelineyso Qaranimada Soomaaliya kadib markii heshiis lagu muransanaa oo ay la gashay maamulka gooni u goosadka ah ee Somaliland ay ku soo dartay Itoobiya.

Heshiis lagu saxiixay magaalada Abu Dhabi maanta ayaa lagu shaaciyay in maamulka dekadda Berbera ee hore ay shirkadda DP World ula wareegtay lagu soo kordhiyey dalka Itoobiya oo ku yeelan doona 19% saami gaaraya.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa hore laba heshiis oo ku saabsan maamulka iyo horumarinta dekadda Berbera iyo saldhig ciidan ula saxiixatay Somaliland, kaasoo xadgudub ku ahaa dowladda Soomaaliya, waxayna xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka la gudbiyeen laba Mooshin oo weli u xayiran madaxda sare ee dalka.

Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa ku dhacay shirqool siyaasadeed culus oo Imaaraadku u dhigay markii socdaalkii uu ku tegay Imaaraadka lagu soo beegay heshiiskan Itoobiya lagu biiriyey mashruuca Dekadda Berbera ee Somaliland.

Madaxda Sare ee dowladda Soomaaliya oo safarro joogto ah ku taga dalka Imaaraadka, isla markaana taageero dhaqaale iyo cadaadis wadajira lagu saaro inay ogolaadaan, kana aamusaan danaha Imaaraadka ayaa mar waliba ka gaabsada inay soo hadal qaadaan faragelinta Imaaraadka.

Jugta ugu weyn ayaa hadda ku dhacday Ra’iisal wasaare Kheyre oo heshiiskan cusub la sheegay inuu ogolaaday, waxaana la sugayaa Baarlamaanka Federaalka oo furmaya toddobaadka soo socda waxa uu ka oran doono arrintan.
Developed by Jago Desain