Baargaal : Xaflad shahaadooyin lagu gudoonsiiyay arday dhamaystay tababar caafimaad (SAWIRO)

Baargaal : Xaflad shahaadooyin lagu gudoonsiiyay arday dhamaystay tababar caafimaad (SAWIRO)

Waxaa Magaalada Baargaal ee Gobolka Gardafuu ka dhacday Xaflad shahaadooyin lagu siiyay arday dhamaysatay tababar caafimaad.

Xafladda oo ahayd mid kooban ayaa waxaa kasoo qayb galay Masuuliyiin ka socday maamulka degmada oo uu horkacayay xooghaya degmada Baargaal siciid cawil dhuxul ahna sii hayaha xilka gudoomiyaha,Nabadoono , cuqaal , ganacsato , iyo masuuliyiin ka socday wasaarada caafimaadka iyo hay'ada save children iyo marti sharaf kale

Ugu horayntii xaflada waxaa daah furay maamulaha machadka caafimaadka AlHayat institute Of Health and science Mudane Mukhtaar maxamed maxamuud (Mukhtaar dhagiig) oo ka hadlay baahida caafimaad ee xoogan ee ka jirta degaanka, taas oo ku kaliftay ayuu yiri inaan abaabulno Furitaanka machad caafimaad oo soo saara dad xarumaha caafimaadka ka hawl gali kara iyo kalkaaliyaal caafimaad.

wuxuuna intaasi ku daray in ardayda ka qalanjabisay machadka ay dhanyihiin 54 arday , oo maanta 14 kamid ah la gudoonsiinayo shahaadooyin ayadoo uu hada soo dhamaaday tababar 3 bilood ah oo ardaydu heleen tababro joogto ah sida loo durro dadka iyo sida loo rakibo faleembada iyo waliba sida ugu haboon ee loogu gargaaro qofka shilka galay , iyo sharciyada kaalkaaliisinimada iyo ujeedooyinka loo barto caafimaadka Maamulaha ayaa sidoo kale xusay inay dhawaan bilaabi doonaan course lixbilood ah oo dhamaystiran

waxaa kadib ka hadlay xaflada qaar kamid ah marti sharaftii ka soo qaybgashay munaasibada oo dhaamaan amaan u soo jeediyay machadka caafimaadka ee AlHayat institute Of Health and science iyo maamulkiisa , ayagoo sheegay in ay jirtay baahi xoogan oo loo qabo adeegyada caafimaadka degaanka gudihiisa

ugu danbayntii waxaa lagu gudoonsiiyay 14 arday oo isugu jira wiilal iyo gabdho oo kamid qaybta hore shahaadooyin , waxaana isla goobtaa ka bilaabantay diiwaangalinta course labaad oo lix bilod ah








Shabakada Baargaa.net
Isha wararka Horumarka Calbari
Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain