Daawo:- Baarlamaanka Somaliland oo ka horyomid heshiiskii Berbera

Daawo:- Baarlamaanka Somaliland oo ka horyomid heshiiskii Berbera
Baarlamaanka Somaliland ayaa maanta ka hadlay heshiiskii Dekedda Berbera ee dhawaan dhexmaray shirkadda DP World, Dowladda Itoobiya iyo Somaliland, waxayna sheegeen in uusan cadeyn heshiiskaasi uuna ku jiro madmadow.

Sidoo kale waxay sheegeen Baarlamaanka Somaliland inay si weyn u kala duwan yihiin heshiiskii hore ee ay ansixiyeen iyo midka hadda la kala saxiixday, waxayna ay carabka ku dhufteen inay jiraan wax badan oo la qarinayo, iyagoo dadweynaha reer Somaliland ugu baaqeen inaysan ogolaaneyn heshiis aan caddeyn.

1-dii March heshiis Saddex geesood ah waxaa Imaaraadka ku wada galay DP World, Somaliland iyo Itoobiya, waxay yeelaneysaa DP World maalgashiga Dekedda weyn ee Berbera saami dhan 51%, halka ay Somaliland yeelaneyso 30% iyo Itoobiya oo la siiyay 19%.

Dhanka kale Dowladda Soomaaliya ayaa heshiiskaas ka hortimid waxayna ku sheegtay mid sharci daro ah.

Hoos ka Daawo Baarlamaanka Somaliland



Developed by Jago Desain