DAAWO FAAQIDAAD-Madaxweynaha Puntland Ma Beel Khaas ah Ayaa Iskaleh, Yaase u Tartami Kara?.

DAAWO FAAQIDAAD-Madaxweynaha Puntland Ma Beel Khaas ah Ayaa Iskaleh, Yaase u Tartami Kara?.
Puntland bilowga sanadka dambe ee 2019 waxaa lafilayaa inay ka dhacdo doorashada madaxtinimada oo lagu dooran doona madaxweynaha Puntland hogaamin doona shanta sano ee xigta, waxaana jira ilaa hadda musharixiin kala duwan oo u tartamaysa xilkaasi.
Haddaba dad badan ayaa rumaysan in xilka ugu sareeya Puntland ee madaxweynaha Puntland uu yahay kursi ay isaga degaan qabaa’il gaar ah, walow uusan ahayn mid ku qoran dastuurka Puntland ee lagu dhaqmo.
66-da xildhibaan ee barlamaanka Puntland ayaa dooran doona gudoonka barlamaanka, madaxweyne ku-xigeenka iyo madaxweynaha dowladda Puntland hogaamin doona, waxaana dastuurka dowladda Puntland uu u ogol yahay inuu xilkaasi qabto muwaadin kasta oo buuxiya shuruudaha iyo xeerarka dastuuriga ah ee madaxtinimada dalka.
Khaliif Ciise Mudan oo ah musharax u taagan xilka madaxtinimada kana mid ahaa xukuumadihii soo maray Puntland iyo ciidankii cirka Soomaaliyeed oo waraysi siiyey Tvga RTN ayaa waxa uu ka hadlay arrimaha doorashada Puntland, qabiilada tabashada ka qaba xildhibaanadam iyo tartanka madaxweynaha.
HALKAN KA DAAWO


Developed by Jago Desain