Degdeg : Mooshin ka dhan ah Heshiiska DP WORLD ee Berbera oo ka socda Muqdisho & kalfadhiga Baarlamaanka oo furmaya

Degdeg : Mooshin ka dhan ah Heshiiska DP WORLD ee Berbera oo ka socda Muqdisho & kalfadhiga Baarlamaanka oo furmaya

Xildhibaanada baarlamaanka Faderaalka Soomaaliya ayaa qaarkood wada abaabulka iyo qoritaanka Mooshin ka dhan ah saami qeybsiga iyo heshiiska Dekedda Berbera oo ay la wareegayso dawladda Imaaraatka Carabta, waana markii 2aad oo ay qorshahan soo celiyaan baarlamaanka Faderaalka.

Xildhibaano gaaraya 50 Mudane ayaa la xaqiijiyey in ay ilaa hadda si rasmi ah u saxiixeen Mooshinkan, waxaana wali socota in loo raadinayo cod ku filan mooshinku oo uu meelmar kanoqon karro.

Xildhibaan Maxamed Abukaate ookatirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa usheegay warbaahinta in abaabulka iyo qorida mooshinkan uu yahay mid hadda ku jira bar bilow, ayna garwadeen ka yihiin dhinacyo kala gedisan oo katirsan baarlamaanka Faderaalka.

Abukaate wuxuu cadeeyey in kalfadhiga nagu soo beegan ee baarlamaanka looga doodi doono, iyadoo ay dhinaca kale jiraan mudanayaal difaaci doona arrimaha heshiiska magaalada Berbera, waxaana muuqata in ay gadaal ka riixayso arrintan Xukuumada Faderaalka Soomaaliya

Ra’iisulwasaare Kheyre ayaa welwel ka qaba furitaanka kalfadhiga baarlamaanka Faderaalka, balse mooshinkan abaabulkiisa ayaa la rumeysan yahay in uu Raysalwasaaruhu qeyb wanaagsan ka qaadanayo.

Shirkada laga leeyahay dalka Imaaraatka Carabta ee DP WORLD, Itoobiya iyo Maamulka Somaliland ee Soomaaliya ayaa kala saxiixday heshiis cadeynaya saami qeybsiga howlaha marsada magaalada Berbera,kaas oo dalka Itoobiya siinaya 19% saamiga dekedaas, waxaana lagu saxiixay Dubia xili uu halkaas joogay Raysalwasaare Xasan Cali Kheyre
Developed by Jago Desain