Musharx Faarax Cali Shire : waxaan xooga saari doonaa Dhulka Gaari-waa loo yaqaano waxaana dhisi doonaa Wadooyin, Dekedo iyo Garoomo diyaaradeed

‘’ Hadii aanan dilin Musuqmaasuq, Eex iyo Lajeclaysi, ma gaarayno hadafyada aan u baahnahay oo dhan, kaabayaasha dhaqaalaha ayaan dhiseysnaa, waxaan ka shaqeynaa sidii loo heli lahaa wax kasta oo Ilo dhaqaale ah’’


Musharax Faarax Cali Shire oo u taagan Madaxweyne-nimada Puntland ee doorashada dhici doonta 2019-ka ayaa ka jeediyey khudbad dhinacyo badan taabanaysa oo ka dhacday dalka Mareykanka, taas oo uu diiradda ku saaray arrimaha ka taagan gudaha Puntland iyo waxyaabaha u baahan in wax laga qabto.

Musharax Shire wuxuu ka hadlay Midnimada, wadajirka iyo ujeedadii loo asaasay Puntland 20 sanno ka dib, wuxuu amaanay wixii lasoo qabtay oo dhan oo u sheegay in ay ahayd arrin wanaagsan, laakiin wuxuu sheegay in aan la gaarin himiladii iyo hayaanka laga lahaa dhismaha Puntland.

Musharaxu wuxuu sheegay in wax laqabtay, laakiin wali aan si dhameystiran loo gaarin halkii loogu talo-galay, uuna doonayo in uu ilaaliyo Amaanada iyo arrimaha muhiimka ah ee dalka.
Puntland wuxuu cadeeyey in lagu asaasay shan gobal iyo Degmada Buuhoodle, maantana ay tahay sagaal gobal, taas ay muujinayso kororka iyo nidaamka maamulka oo baahay, laakiin midnimada ayuu sheegay in hadda ay dhaawacan tahay

Midnimada Puntland waa lama taabtaan, waxaa ka dhantaalan waxaa rabaa in aan mideeyo, si loo gaaro Dawlad iyo Shacab wada socda oo mideysan, waxaana ku dadaalayaa in aan gacan weyn ka geysto’’ ayuu yiri Faarax Cali Shire.
Musharaxu wuxuu sheegay in uu dib u soo celinayo deegaanada maqan ee Puntland, wuxuu cadeeyey in soo celinayo deegaanada maqan oo dhan ka hor haddii aan lasoo celin, maadaama ciidamo badan isku horfadhiyaan deegaanka Tukaraq ee gobalka Sool.

Nidaamka dawliga ah ayuu sheegay in uu wax badan ka qaban doono, gaar ahaana dibu dhiska Hay’addaha dawladda ayuu sheegay in uu xooga saarayo, iyadoo loo baahan yaahy dhamaan arrimaha muhiimka ah oo dhan, loona helaa dad aqoon u leh arrimahan iyo dad Talo-bixiyayaal ah oo muhiim u ah dalkan.

Nasiib darro weyn ayuu ku sheegay Faarax in aan wali la gaarin nidaamka Hal qof iyo Hal cod, Puntland 20 sanno ka dibna aysan ka qaangaarin Hanaanka siyaasiga ah oo lagu dhacay dibu dhac weyn, taas oo uu sheegay in uu ka shaqeyn doono, oo uu ka hirgalin doono nidaamka Asxaabta badan ee dalka.

Musuqmaasuqa ayuu cadeeyey in uu yahay Aafo ku habsatay Puntland oo dhan, isla markaasna dhinac kasta laga og yahay heerka uu gaarsiisan yahay, wuxuuna sheegay in Amaanada ummadda loogu adeegayo lagu takrifalay, uuna doonayo in uu kala dagaalamo Puntland oo uu kaas aad ula dagaalami doono.

‘’ Hadii aanan dilin Musuqmaasuq, Eex iyo Lajeclaysi, ma gaarayno hadafyada aan u baahnahay oo dhan, kaabayaasha dhaqaalaha ayaan dhiseysnaa, waxaan ka shaqeynaa sidii loo heli lahaa wax kasta oo Ilo dhaqaale ah’’ ayuu yiri Musharax Faarax Cali Shire.
Musuqmaasuqa shaqooyinka ayuu aad uga hadlay, taas oo ah arrin si weyn ay isku weydiinayaan Shacabka Puntland, waxaana musuqaas uu gaaray heerkii ugu sareeyey ee abid, taas oo inta badan Shaqooyinka lagu sifeeyo in lacag lagu kala qaato.

Hay’adda Tababarka Shaqaalaha rayidka ah ee dawladda Puntland ayuu sheegay in la dhisayo, isla markaasna ay noqoto mid u qalanta Shacabka Puntland, taas oo ay xooga saarayaan.
Wuxuu sheegay in ay furi doonaan Xisaabad rasmi ah oo ay dawladda, Ganacsatada, Qurbo joogta iyo cid kasta ay lacagteeda ku shubto, hadhawna dib loogu dhiso Kaabayaasha dhaqaalaha, gaar ahaana Warshadaha oo shaqo abuur u noqonaya Dhalinyaradda Soomaaliyeed, gaar ahaana kuwa Puntland.
Musharaxu wuxuu sheegay in la dhiso doono Warshado Shamiito, Cusbo iyo kuwa maalgalineed oo door weyn ka qaadan doono sidii Shaqo abuur loogu sameyn lahaa dhalinyaradda, dalku u noqon lahaa mid muhiim u ah Ummadda Soomaaliyeed oo dhan.

Dhulka Gaari-waaga loo yaqaano ayuu sheegay in uu xooga saari doono oo uu dhisi doono Wadooyin, Dekedo iyo Garoomo diyaaradeed kuwaas oo muhiim u ah dalka oo dhan, taas oo ah arrimaha ugu wanaagsan ee la gaari doono, hadii ay Mudanayaasha baarlamaanka Puntland ka dhabeeyaan himilada Shacabka.

Dhismaha Dekedda Garacad iyo Kastamka Tuurdibi ayuu sheegay in ay yihiin fursado waa weyn oo xooga la saari doono, lagana heli doono Malaayiin Dollar, maadaama isku xirka Kastamka Tuurdibi uu yahay mid isku xiraya Puntland & Itoobiya oo ah Suuq-geyn oo lagu tartamayo.

Arrimaha Faderaalka ayuu sheegay in ay waajib tahay, dalka Soomaaliyana ay dawlad ku noqonayso Habka Faderaalka, sidda khaldan ee loofahmay fikradahaasna aysan aheyn sidaas ee Faderaalku yahay Ha lays gaaro hana lays raaco, taas oo jawaab u ahayd dadka diidan Nidaamka Faderaalka ee Soomaaliya.

Musharax Faarax Cali Shire oo u taagan Madaxweyne-nimada Puntland ee doorashada dhici doonta 2019-ka ayaa khudbadiisan ay u muuqatay mid degan oo uu ku tilmaamay dhinacyo badan oo xoog badan, wuxuuna sheegay in ay Puntland maanta meel joogto ayna ka shaqeyn doonaan Midnimadii iyo wadajirkii in la helo taas oo ah waxa ugu wanaagsan ee la doonayo in la gaaro


Developed by Jago Desain