Posts

RW Kheyre Oo Kulan Albaabada U Xirnaa La Yeeshay Wasiir Ku-Xigeenka Arrimaha Dibadda Mareykanka {MAXAA KASOO BAXAY..?}

RW Kheyre Oo Kulan Albaabada U Xirnaa La Yeeshay Wasiir Ku-Xigeenka Arrimaha Dibadda Mareykanka {MAXAA KASOO BAXAY..?}

Ra’isalwasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa kulan la qaatay Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda Dalka Mareykanka John Sullivan.

Kulanka oo ka dhacay magaalada Washington ee dalka Mareykanka ayaa waxaa ay uga wada hadleen xiriirka labada dal,horumarka iskaashiga ,dowlad wanaagga iyo la dagaallanka Argagixisada.

Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa boggeeda Twitter-ka ku shaacisay kulanka dhexmaray Ra’isalwasaaraha Soomaaliya iyo wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Mareykanka.

Si kastaba ha ahaatee, Mareykanka ayaa sanadkii hore qeyb ka mid ah kaalmada Milatari ka jaray dowladda Federaalka ah kaddib markii lagu eedeeyay Ciidamada dowladda qeyb ka mid ah in ay qaab beeleed u diyaarsanyihiin.

SHABAKADA BAARGAAL.NET
isha wararka Horumarka Calbari
Baargaal@gmailcom
Developed by Jago Desain