Sawirro & Caddeyn: Imaaraadka Carabta oo Weerar dhinaca Baraha Bulshada ah ku bilaabay Madaxweynaha Soomaaliya

Sawirro & Caddeyn: Imaaraadka Carabta oo Weerar dhinaca Baraha Bulshada ah ku bilaabay Madaxweynaha Soomaaliya

Imaaraadka Carabta ayaa dagaal dhinaca baraha bulshada ah ku furay madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed C/llahi Farmaajo kadib markii ay dowladda Soomaaliya si cad uga hor timid xadgudubka ay Imaaraadka ku sameysay jiritaanka Soomaaliya.
Dagaalkan oo intiisa badan ka socda Twitter-ka ayaa koox askar dhinaca internetka ah oo la sheegay in Imaaraadka uu kireystay ay bilaabeen inay furaan baro lagu aflagaadeeyo madxaweynaha Soomaaliya.
Barahan ayaa abuuray haldhigyo ama Hashtag ay ka mid yihiin in la rido madaxweyne Farmaajo, inuu Soomaaliya u yeelay weji xun oo macaluul ah inuu la safan yahay Dalka Qatar iyadoo la adeegsanayo sawirro muujinaya Soomaali macaluulsan.
Dagaalkan ayaa waxaa kashifay iyadoo la adeegsanayo luqadaha ingiriiska iyo Carabiga, waxayna Farmaajo ku sifeeyeen qaarkood Daalim iyo ereyo kale oo kasii fool xun, waxaana Imaaraadku u muuqdaa inuu ka quustay taageero uu ka helo madaxda sare ee dalka si uu ula wareego ilaha dhaqaalaha dalka, taasoo ku kaliftay inay dagaal u caddeystaan.
Haddaba waxaa arrintaas si weyn uga hor yimid Soomaalida ku nool gudaha iyo dibadda Soomaaliya, waxaana baraha Bulshada Soomaaliya ka bilowday falcelin aad u weyn oo looga soo horjeedo dagaalka qaawan oo ay Imaaraadka Carabta bilowday.
Xildhibaan Mahad Salaad oo kamid ah Xildhibaanada sida weyn u mucaaradsan dowladda Farmaajo ayaa bartiisa Facebook soo dhigay qoraal uu ku sheegay inaysan aqbali karin in Imaaraadka Carabta  ay aflagaado u geysato madaxweynaha Soomaaliya, wuxuuna yiri
” Ma aqbali karno in Dowlado shisheeye ay u gafaan madaxdeena iyaga oo ka tarjumaya dano liddi ku ah midnimada, madax-banaanida iyo dowladnimada Soomaaliya, waana inaan meel uga soo wada jeesanaa”
Halkaan hoose ka akhriso qaar kamid ah dadkii aflagaadada Imaaraadka ka falceliyey:
 
\

  

سؤال موجه لعيال زايد هل اخترتم من يمثلونكم؟اذا كان الجواب لا!كيف لكم ان تتحذثوا ع حكومة اختارها الشعب كلة بالنسبة٩٩بالمئة؟ ما تستحوا. الحين الشاب الاماراتي حلمة ان يصبح رئيس بلدية بينما يحلم الشاب الصومالي بحث حل لشعبة و ان يصبح رئيس مثالي ل١٢مليون صومالي.


View image on Twitter

الصحف والواقع الاماراتية، تعمل على حملة لتشوية سمعة فخامة الرئيس فرماجو وجمهورية الصومال بصورة غريبة.
كردة فعل على قرار الحكومة الصومالية بعدم الإعتراف بجميع الاتفاقيات المبرمة مع أرض الصومال وخاصة ميناء بربره الاستراتيجي.
#
Developed by Jago Desain