Baargaal: Machad imaamu Al-albaani Oo Xaflad Qalin jabin ah u Qabtay Dufcadii 1-aad ee ka qalin jabisa machadka

Baargaal: Machad imaamu Al-albaani Oo Xaflad Qalin jabin ah u Qabtay Dufcadii 1-aad ee ka qalin jabisa machadka


Baargaal:-Maamulka Machadka Imaamu AlAlbaani ee Barashada culuumta shareecada islaamka iyo ku hadalka luqada carabiga ayaa Gudoonsiiyey Shahaadooyin Dufacdii koowaad ee Ardayda ka Qalin jabisey Machadka imaamu AlAlbaani ee Magaalda Baargaal. 

Xafladan oo ay ka Soo Qayb galeen marti Sharaf aad u badan , oo isugu jiray waxgarad , Culimaa’u Diin , Ganacsato, Macallimiin, Waalidiin , arday iyo marti kale oo badan

Sidoo Kale waxaa Ka Soo Qayb Galay xaflada Masuuliyiin Ka kala socday jaamacada Boosaaso , Jaamacada Badda cas , jaamacada Golis iyo maamulha Machadla imaamu Aldahabi 

Maamulha Machadka Sheekh Axmed shire ayaa ka waramay Xilligii la Aaas aasey Machadka imaamu Al Albaani ee degmada Baargaal Isagoo Sheegy in La Aaasey aasey Machadka Dabayaaqadii Sanadkii 2015, iyadoo loo aas aasey Baahi Ka jirtey degmada iyo Gobolka .

Mushrifka Guud ee Machadka Imaamu Al Albaani sheekh Cabdilaahi yaasiin siciid ayaa dhiniciisa ka warbixiyay Ardayda dhigata Machadka , kuwa qalin jabisey maanta , hiigsiga machadka asagoo sheegay in arday badan ay markii hore isdiiwaan galiyeen laakin ardayda maanta qalinjabinysa ay yihiin kuwii ku dhabar adeegay oo saddexda sano ee muqararka ah dhamaystay asagoo soo dhaweeyay jaamacadaha machadka soo booqday ee xaflada kala soo qayb galay inay cadaynayso heerka uu machadku gaarsiisanyahay 

Ugu Danbeyntii , Ardaydii dhameysey oo ahayd Dufcadii ugu ugu Horeysey ee ka qalinjabisa machadka imaamu Alalbaani ee Magaalada Baargaal oo dhamaa 7 arday  oo isugu Jirey Wiilal iyo Gabdho , Waxaana la Gudoonsiiyey Shahaadoyinkii Qalin jabinta.












Shabakada Baargaal.net
Isha wararka Horumarka Calbari 
Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain