DAAWO SAWIRRO: Wafdi ka socda Wasaaradda Amniga Somalia oo soo gaaray Garoowe & Shir muhiim ah oo ka furmaya

DAAWO SAWIRRO: Wafdi ka socda Wasaaradda Amniga Somalia oo soo gaaray Garoowe & Shir muhiim ah oo ka furmaya


Wafdi ka socda dawladda Faderaalka iyo dawlad gobaleedyada, gaar ahaana uu hogaaminayey Wasiir kuxigeenka Amniga ee dawladda Faderaalka Soomaaliya ayaa soo gaaray caasumada Puntland ee Garoowe, iyadoo ay soo dhaweeyeen xubno katirsan golaha Xukuumadda ee Puntland.
Wafdigan ka socda dawladda Faderaalka & Dawlad gobaleedyada ayaa berri ka qeybgalaya furitaanka shir looga hadlayo heerka Ammaanka ee Soomaaliya, waxaana inta uu socdo falanqeyn iyo dabagalo lagu sameyn doonaan jaantusyada dhanka Ammaanka ee gudaha Soomaaliya.
Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Amniga ee dowladda Federaalka Soomaaliya, Cabdinaasir Siciid Muuse iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa ka mahad celiyey soo dhaweynta maanta lagu soo sameeyey magaalada garoowe ee caasimada puntland , waxayna sheegeen in ay u arkaan arrin wanaagsa.

Wasiir kuxigeenka Amnigu wuxuu sheegay in maalmaha ay halkan wada joogaan falanqeyn iyo warbixino ay isku dhaafsan donaan dhinacyada Ammaanka ee Soomaaliya, isla markaasna ay iskaashi dhaw ka yeelan doonaan dhanka Ammaanka ee Soomaaliya.


Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Amniga gudaha ee dowladda Federaalka Soomaaliya, Cabdinaasir Siciid Muuse ayaa sheegay inay u yimaadan garoowe shir looga hadlayo amaanka soomaaliya, kaas oo muhiimad weyn ugu fadhiya Soomaaliya.



Developed by Jago Desain