DEG DEG: 4 qof oo lagu dilay Deegaanka Dhuudo ee G Karkaar & Warar ka soo baxaya


Wararka laga helaayo magaalada Qardho ee xarunta gobalka Karkaar ayaa sheegaya in la dilay 4 qof, ayna dhaawacmeen tiro kale oo dad ah, ka dib markii maleeshiyo beeleedyo deegaankaas degan ay xalay dagaalameen.

Dadka dhintay iyo dhaawacaba waxaa la sheegay in ay dhamaantood yihiin rag, waxaana la sheegay in ahaayeen dad Biyo dhaansanayey oo ka yimid deegaano ay abaaro baahsan ka jiraan o kamid ah gobalkaas iyo deegaanada gobalka Bari qaar kamid ah.

Wararka ayaa sheegaya in dilkaan u ku salaysnaa beelo walaalo ah oo wada dega gobolada bari iyo karkaar oo mudooyinkaan dilal aano qabiil ah isu gaysanayay.

Dawlada puntland ayaa horay shirar lagu heshiisiinayo beelahaan u qabatay, iyadoo Madaxweyne ku xigeenka Puntland Eng Cabdixakiim Cabdilaahi Xaaji Camay iyo wafdi uu hogaaminayo ay mudo deegaanka Kodmo u joogeen sidii xal waara loogu heli lahaa coolaadan
Developed by Jago Desain