Dowlada Imaaraadka oo dacwad ka dhan ah Dowlada Somalia u gudbisay Boqorka Sacuudiga

Dowlada Imaaraadka oo dacwad ka dhan ah Dowlada Somalia u gudbisay Boqorka Sacuudiga

Warar soon shaac baxaaya ayaa sheegaya in Dowlada Imaaraadka Carabta ay dacwad ka dhan ah dowlada Federaalka ah ee Somalia u gudbisay Dowlada Sacuudiga.
Dacwadan oo qodobeysan ayaa la sheegayaa inuu gudbiyay Wasiirka Arrimaha Dibedda Imaaraadka  Sheikh Abdullah bin Zayed Al Nahyan.
Dacwadan ayaa la xaqiijiyay inay salka ku heyso dhaqaale gudaha asbuucan lagu qabtay Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, taa oo Safaarada Imaaraadka Carabta ay sifo sharci darro ah kusoo galineysay Somalia.
Dacwadaha laga gudbiyay dowlada Somalia ayaa waxaa sidoo kale kamid ah in Dowlada Somalia ay isha la raaceyso talaabooyinka ay qaadeyso dowlada Imaaraadka, halka ay ka weecatay Heshiisyo dhowr ah oo horay loo kala saxiixday.
Dacwada oo u gudubtay Boqorka sacuudiga, Salmaan Bin Cabdul Casiis, ayaa waxaa lagu wadaa in lagala xaajoodo Dowlada Somalia, waxaana xusid mudan in Dacwada ay qeyb ka tahay faragalino kale oo ay tabaneyso Imaaraadka Carabta.
Dowlada Imaaraadka ayaa faragalin xad dhaaf ah ku heysa Siyaasada Somalia, taa oo gaartay heerkii ugu xumaa, marka dib loo eego faragalintii hore.
Dhinaca kale, , Dacwadan ayaa kusoo beegmeysa xili Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullahi Farmaajo, lagu wado inuu gaaro magaalada Riyadh, isagoo kulamo gaara halkaa kula qaadan doona Boqorka Sacuudiga iyo Madax kale oo ka tirsan maamulka Sacuudiga.
Developed by Jago Desain