AKHRISO: PUNTLAND OO XUKUNNO ADAG KU SOO ROGTAY CIDDII GACAN-SIISA SOMALILAND

AKHRISO: PUNTLAND OO XUKUNNO ADAG KU SOO ROGTAY CIDDII GACAN-SIISA SOMALILAND

Guddiga difaaca dowladda Puntland ayaa go’aanno cusub ka soo saaray mas’uuliyiinta ka soo jeeda degaannada Sool,Sanaag,iyo Cayn ee xilalka ka haya maamulka Somaliland iyo sidoo kale ciidamada u dhashay goboladaasi ee ka tirsan Somaliland.
Go’aannadaan oo u badan xukunnada ay mutaysanayso ciddii lagu qabto,gacan-siinta Somaliland ayaa sidoo kale lagu sheegay in abaal-marin la guddoonsiinayo cid kasta oo Puntland isu soo dhiibta muddada uu socdo dagaalka u dhexeeya labada dhinac.
Xukunnada uu guddigu soo rogay ayaa waxaa kamid ah in dil-toogasho ah lagu fulinayo qof kasta oo lagu helo isagoo sir u gudbinaya maamulka Somaliland,ama jaajuusnimo ula shaqeeya,sida ku xusan qoraalka.
Qoraalka uu soo saaray guddiga difaaca Puntland ayaa sidoo kale lagu caddeeyay in dowladda Puntland ay la wareegayso dhammaan hantida uu leeyahay qofkii maamulka Somaliland ku gacan-siiya dagaalka kala dhexeeya Puntland .
Halkaan ka akhriso qoraalka oo dhamaystiran.

Developed by Jago Desain