Dagaal u dhaxeeya Puntland iyo Somaliland oo markale dib u qarxay

Dagaal u dhaxeeya Puntland iyo Somaliland oo markale dib u qarxay

Waxaa Deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa Saaka  waxaa markale dib u qarxay dagaal u dhaxeeya ciidamada Soomaaliland iyo Puntland kuwaas oo mudooyinkii danbe isku hor fadhiyay deegaano ka tirsan Gobolka Sool , wararka soo gaaray Horseed Media ayaa sheegaya in dagaalku xoogiisu ka dhacay laba aag oo ka leexsan laamiga.
Wasiirka warfaafinta Puntland Cabdi Xirsi Qarjab oo warbaahinta kula hadlayay magaalada Garoowe waxa uu sheegay in ciidamada Soomaliland ay iyagu soo qaadeen weerarka isla markaan ay ciidamada Puntland iska difaaceen, wasiir Qarjab waxa uu xaqiijiyay in dagaalku uu weli socdo.
Taliyaha Militariga Soomaaliland Nuux Taani  oo la hadlay idaacada BBC waxa uu sheegay in Puntland ay kusoo duushay Soomaliland.
Sidoo kale madaxtooyada Puntland ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay waxay ay soomaaliland ku eedeysay in ay markasta hurinaysay colaada ka taagan gobolka Sool, Puntlandna ay mudo ilaalinaysay sidii ay uga baaqsan lahayn in dhiig soomaaliyeed uu daato iyadoo oo muujisay dulqaad badan.
 Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka maadaama wali la maqlayo rasaas teel teel ah oo ay isku adeegsnayaan labada dhinac.

Developed by Jago Desain