Dowlad Ku taal geeska Afrika oo ka carootay tiro Dameero ah oo Faransiisku ugu deeqay

Dowlad Ku taal geeska Afrika oo ka carootay tiro Dameero ah oo Faransiisku ugu deeqay


Dowladda Faransiiska ayaa wasaaradda beeraha dalka Burundi ku wareejisay 10 Dameer oo hadiyad ah, taas oo lagu xoojinayo xiriirka labada dal.
Madaxda dalkaas ayaa si caro leh uga jawaabtay hadiyadda Faransiiska iyagoo ku sheegay in ay tahay sharaf dhac iyo bahdil loo geysanayo dalkaas.
Dameerada loo hadiyadeeyay Burunddi waxaa laga soo iibiyay dalka Tanzania, waxaana loogu talagalay dadka deggan gobolka Gitega halkaas oo uu ka socday ololle lagu caawinayo dumarka iyo caruurta, sidoo kalena lagu dhiiro gelinayo hormarinta beeraha.
Haddiyadda ayaa ah mid ku wajahan dadka deegaanka si ay ugu fududeystaan isku socodka tuullooyinka maaddaama halkaas gaadiidka uu ku yar yahay.
 “In dameero naloo soo waarido, dhab ahaantii waa laba uun in ay muujineyso tayo ama ay tahay bahddil iyo sharaf dhac!!” waxaa sidaas Twitter kiisa kusoo qoray Gabby Bugaga oo ah afhayeenka golaha guurtida dalkaas.
Sidoo kale la taliyayaal madaxweyne ayaa go’aankaas ku sheegay in ay tahay quursi qaranka loo geysanayo.
Si kastaba ha ahaatee hadalkan ayaa ah kan ugu saameynta badan Afrika, waxaana cinwaannada hore ee bogagga wargeysyada ugu afka dheer lagu arkayaa hawraar ah “Faransiiska Oo 10 Dameer u haddiyadeeyay Burunddi”!!!
Developed by Jago Desain