DOWLADDA SOOMAALIYA OO MARKII U HOREYSAY LOO OGOLAADAY INAY SOO DAABACATO LACAG CUSUB

DOWLADDA SOOMAALIYA OO MARKII U HOREYSAY LOO OGOLAADAY INAY SOO DAABACATO LACAG CUSUB

Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF, ayaa u ogolaatay Dowladda Soomaaliya inay lacag soo daabacato, si taasi u dhacdana loo baahan yahay ilaa 41-milyan oo doollar oo lagu fulinayo qorshahan wejigiisa 1-aad.

IMF-ta, ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in Somalia ay ka gudubtay laba imtixaan oo lagu sameeyay Bangiga Dhexe, kuwaasoo loona yaqaanno Staff-Monitored Programmes [SMPs] oo lagula socday dhammaan shaqada iyo shaqaalaha hey’adaha dowliga ah.

Sidoo kale, waxaa xusid mudan in Magaalada Muqdisho ay bilowday wada-hadal ku aaddan wareegga saddexaad ee barnaamijkan oo qayb weyn ka ah tijaabooyinka lagu hayo Soomaaliya, si loo xaqiijiyo horumarka dalka.
“Waxay u baahan tahay Soomaaliya taageero iyo deeq-lacageed oo gaareysa 41 milyan oo doollar, si barnaamijkan u fulo,” ayaa lagu sheegay qoraal ay soo saartay hay’adda IMF-ta.
Bangiga Dhexe ee Soomaaliya wuxuu soo daabici-doonaa wejiga koowaad ee lacagta Shilling Soomaaliga (SHS) oo kala ah: 1,000; 2,000; 5,000 iyo 10,000 oo isku dhagan, kuwaasoo qaarkood noqonayo kuwii ugu horreeyay oo ay Soomaaliya yeelato.

Tusaale ahaan; Soomaaliya ayaan weligeed yeelan lacag isku dhaggan oo kala ah; 2,000, 5,000 iyo 10,000 oo shilling, waxaana tani ay muujinaysaa inuu hoos u dhacsan yahay dhaqaalaha guud ee Soomaaliya.

Dhanka kale, Qoraalka Hay’adda IMF ayaa lagu xusay in wejiga hore in lagu daabacayo lacag dhan 752.5-milyan oo doollar, taasoo lagu beddelayo tirada hadda shilling Somaliga ah ee dalka laga isticmaalo oo gaareysa, 750-billion oo shilling Soomaali ah.

Ugu dambeyn, Tallaabadan uu lacagta cusub ku daabacyo Bangiga Dhexe ee Somalia waa tii ugu horreysay tan iyo burburkii Dowladdii dhexe ee Soomaaliya tan iyo 1991-kii, Waana tillaabo kale oo horay loogu qaaday qorshaha deyn cafinta.


Developed by Jago Desain