Faah-faahin ku saabsan dagaalka saakay #Tukaraq dib uga Qarxay

Faah-faahin ku saabsan dagaalka saakay #Tukaraq dib uga Qarxay

Dagaal aad u culus ayaa maanta ka dhacay aaga Tukaraq kaas oo u dhexeeya ciidamada Puntland iyo kuwa Somaliland oo 15 bishan  ku dagaalamey aaga Tukaraq.
Dagaalka ayaa ka duwan kii maalintii hore waxaana uu si siman uga socdey saddex aag oo laba kamid ah dhacaan Koonfurta Tukaraq.
Goobjooge ku sugan goobta lagu diririyo ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamada Puntland ay guul ka soo hoyeen dagaalkii ka dhacay aaga Laba Madaxley, wuxuu sheegay in halkaas ay xoogga saareen, qorshuhuna ahaa in maanta lala wareego saldhiggaas, taas oo u suurta gashey in ciidamada Puntland ay la wareegaan saldhiggaas oo dhan, waxaana ay ku qabteen maxaabiis iyo hub labadaba.
Dagaalka kale ayaa ka dhacay wadada laamiga ah, waxaana uu u badnaa dagaalkan mid la isu adeegsadey madaafiicda goobta iyo hubka culus.
Khasaaraha rasmiga ah ee labada dhinac ayaan la xaqiijin karin. Dhaawacyo badan ayaa la gaarsiiyey isbitaalka magaalada Laascaanood, sidoo kale dhaawacyo kale ayaa loo gudbiyey magaalada Burco, waxaana muuqata in Somaliland dhaawaceeda ay u qaybisey laba magaalo. 
Dhanka garoowe waxaa isbitaalka la keenay ciidamo ku so dhaawacmey dagaalka tiradooda saxda ah lama oga, waxaana albaabka Isbitaalka laga ceshey dad doonaayey in ay booqdaan oo u badnaa ehelada.

Developed by Jago Desain