IN KABADAN 150 DHALINYARO SOOMAALIYEED OO KU XIRNAA LIIBIYA OO MUQDISHO LAGU SOO CILIYAY

IN KABADAN 150 DHALINYARO SOOMAALIYEED OO KU XIRNAA LIIBIYA OO MUQDISHO LAGU SOO CILIYAY

Dowlada Soomaaliya ayaa ku guuleystay in ay maanta dalka dib ugu soo ciliso 151 muwaadiniin Soomaaliyeed oo muddo dhowrsano ahaa ku xirnaa xabsiyada ku yaala dalka Liibiya.
Dhalinyaradaan ayaa ahaa kuwo u tahriibayay dalalka qaarada Yurub ayaa lagu xiray xabsiyada ku yaala dalka Liibiya.
Masuuliyiin ka tirsan dowlada Soomaaliya ayaa soo dhoweyayn ugu sameeyay garoonka Muqdisho dhalinyaradaan.
Danjiraha Soomaaliya ee Midowga Yurub Cali Siciid Fiqi oo garoonka diyaaradaha kula hadlayay warbaahinta ayaa faah faahin ka bixiyay dhalinyaradaasi saaka la soo dejiyay.
“Een muddo 15 maalmood ah oo aan wadnay dadaal anaga iyo safaaradda Liibiya,waxaa lagu guuleystay in aan diwaangelino ilaa 300 oo dhalinyaro ah kuwaasi oo ku dhibaataysanaa xabsi kuyaala magaalada Triboli ee dalka Libiya,waxaan ku guuleysanay in 151 oo kamid ah dhalinyaradaasi aan saaka soo dejino, runtii waa guul ay soo haysay dowladda Soomaaliya,waad arkaysaan dhalinyaradana sida farxaddu ay uga muuqato in dalkoodi hooyo ay ku soo laabtaan”.
 Dowlada Soomaaliya ayaa dadaal dheeraad ah ku bixineeysay sidii dalkooda hooyo loogu soo cilin lahaa dhalinyaro badan oo ku dhibaateeysan xabsiyada dalalka caalamka.


Developed by Jago Desain