Madaxweyne kuxigeenka Puntland oo ku sii jeeda Buuhoodle iyo Faahfaahin kusaabsan Safarkiisa

Madaxweyne kuxigeenka Puntland oo ku sii jeeda Buuhoodle iyo Faahfaahin kusaabsan Safarkiisa

Madaxweyne kuxigeenka Puntland Eng CabdiXakiim Xaaji Cumar Camey ayaa kusii jeeda magaalada Buuhoodle ee xarunta gobalka Cayn, waxaana uu saqdii dhexe ee xalay ka tagay caasumada Puntland ee Garoowe.

Boqolaal dadweyne ah ayaa sugaya soo dhaweynta Madaxweyne kuxigeenka dawladda Puntland ee xiligan ku wajahan magaalada Buuhoodle, waxaana uu ku beegmay waqti xasaasi ah.

Madaxweyne kuxigeenka ayaa kasoo jeeda magaalada Buuhoodle, waxaana halkaas kusugan Xoogag ciidan oo katirsan ciidamada Daraawiishta ee dawladda Puntland, waxaana ay wada hadalo yeelan doonaan masuuliyiinta ciidamada hogaamisa.

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in ay Puntland ka go’an tahay in gabi ahaanba lasoo celiyo dhulka maqan ee gobalada Sool, Sanaag & Cayn, waxaana dawladdu ay qorsheysay howlgal balaaran oo lagu wajahayo soo celinta deegaanadaas.



Developed by Jago Desain