Sucuudiga iyo Masar oo dhex dhexaadinaya Jabuuti iyo Imaaraad, waxaan Jabuuti tagay Madaxa DPWorld

Sucuudiga iyo Masar oo dhex dhexaadinaya Jabuuti iyo Imaaraad, waxaan Jabuuti tagay Madaxa DPWorld

Madaxa shirkadda DP world ee dalka Imaaraadka Carabta Axmed Bin Suleyman ayaa horaantii bishan wuxuu socdaal ku yimid dalka Djibouti,  Sidaas waxa qoray wargeyska Indian Ocean.
Wargeysku, wuxuu sheegay in madaxa shirkadda DP world uu socdaalkiisu la xiriiray kulan uula yeeshay agaasimaha dekedaha Djibouti Mr. Abuubakar Cumar Xadi, waxaanay ka wada hadleen go’aanka ay Djibouti ku laashay heshiiskii DP world ee dekedaha Dooraale.
Waxa uu warku sheegay in Imaaraadka Carabtu doonayo inuu gebi ahaanba ka baxo hawlo ganacsi oo kala duwan oo uu ku leeyahay dalka Djibouti, kuwaas oo ay ka mid yihiin Terminaalka saliidda iyo gaaska ee loo yaqaano Horizon Djibouti Terminals iyo hoteelka caanka ah ee Kembeski oo ay DP world dhistay.
Dawladaha Sucuudiga iyo Masar ayuu wargeyskani sheegay in ay ku jiraan dedaal ay ku dhexdhexaadinayaan Djibouti iyo Imaaraadka Carabta.
Madaxa sirdoonka ee Masaarida Maxamed Rafaat ayaa la sheegay in loo xilsaaray inuu isu soo dhaweeyo Djibouti iyo Imaaraadka Carabta, laakiin waxa aan weli muuqan wax xataan isfaham u eg oo soo muuqda.
DP world ayaa maxkamad Ingiriiska ku taala u gudbisay dacwad ka dhan ah go’aanka ay Djibouti ku laashay heshiiskii DP world.
Developed by Jago Desain