Talooyin : sidee ugu haboon ood u raadin kartaa Dahabka iyo Macaadinta

Talooyin : sidee ugu haboon ood u raadin kartaa Dahabka iyo Macaadinta
raadiska dahab-ka iyo macaadinta waa mid kamid ah  hiwaayadaha ay dad badani ku mashquulaan ,gaar ahaan kuwa maalka doonaya, 

dahabku wuxuu ku jiraa oo laga helaa ciidda, sida macaadinta kale, laakiin wuxaa ku lamaanan maadooyin kale laakiin macaadinta ku lamaanan dahabka si fudud ayay uga dhalaalaan  waxaana si dhakhso ah saamayn ugu  yeesha  cimilada, ha yaraadeen ama ha waynaadeen , sidaas daraaddeed  dahabku wuxuu u soo baxaa aalaaba meelo u dhow dusha ciid , togaga iyo wabiyada  

marka si aad ugu raadiso dahabka  qaab fudud oo degdeg waxaad u baahan tahay  macluumaad badan intii suurto gal ah oo ku saabsan ururinta dahab iyo halka laga helo . 

Talaabooyinka Raadinta  meelaha dahabka laga helo 


Meelaha dahabka laga helo : Dahabka waxaa laga helaa  noocyo ka mid ah ciidda sidaas owgeed waa inaad aqoon u yeelataa noocyada ciida laga helo iyo meelaha ay taal .

Baro waxyaabaha aasaasiga ah ee baarista & sahaminta Dahabka: waxaa waajib ah inaad barato hababka saxda ah ee sahaminta iyo baarida iyo  isticmaalka mashiinada lagu baaro dahabka iyo macaadinta , si aayd u yaraysid dadaal iyo waqti badan oo kaa gali lahaa 

Baar dhul horay dahab loogu sheegay Haddii aad horay u maqashay ama u heshay xog ku aabsan dhul  ama aagg horay dahab looga helay ku bilow sahminta dhulkaas  sababta oo ah waxaa inta badan ku jira dahab, si aad naftaada waqti iyo juhdi ugu badbaadisid 

uruurso  qalabka macdanta dahabka lgu baaro 
si ay ugu fududaato naftaada hawsha baaritaanka dahabka iyo macadanta , raadso lacag iyo kharashaad aad ku iibsato qalab iyo aalado casri ah oo dahabka lagu baaro oo tayo sare leh 


Tababar ku saabsan mishiinka: si fiican ugu tababar naftaada ama qofka aad hawshaas u xil saarayso isticmaalka iyo habka qalabka lagu baaryo ama lagu sahminaayo macdanta iyo dahabka  ,waxaad tababar ku qaadan kartaa qalbka adigoo aasaaya macdan ama bir dhowr xabbo biraha kadibka ku helaaya qalabka taasi waxay kordhin doontaa xawaaraha  helitaanka macadanta iyo dahabka aad baaraysid.

Deg meesh sahaminta: markii aad u guurto meel ka mid ah sahaminta naftaada si fiican u Diyaari inaad sii joogto , qaadona cunno iyo biyo kugu filan intaad joogaysid 

raadinta dahabka : Marka aad raadiso dahab qalabka aad ku baaraysid si degan ugu wareeji midig iyo  bidix, marka aad ka maqashid dhawaaqana , si tartiib ah meeshaasi u baar oo u qod  

Talooyin u baahan in aad tixgaliso  marka aad gadaneyso qalabka sahaminta dahab ka ; 

xooga saar inaad iibsato qalabka hirarka sare leh, maxaa yeelay waxay awoodaan inay  macdanta ka sheegaan  dhulka hoostiisa meel ah oo  masaafo aad u dheer ku jirta, iyo iyadoo heerka qalad uu aad uga yaryahay kuwa kale.

 Soo iibso qalabka sheega ama akhriya  xogta ku saabsan qotada dheer ee macdantu  ku jirto, si haddii aad go'aansato in aad qotodaas dheer aad gaari karto ama aad qodi karto iyo in kale  

Waa inaad soo iibsato qalab leh baaxad wayn oo birta wareega raadinta ah  maxaa yeelay, baaxadda weyn ee qeybta baarida macdanta  waxay ku qaaday fursadaha iyo helitaanka macdanta ama dahabka 

ugu danbayn waxaa u rajaynaaa dhamaan cidkasta oo ku hawlan hawshaas in ilaahay la kulmiyo dahab ama macdan ay ka shaqaystaan , waxii ilaahay u qorayna ka helaan anago kula talinayna in cid walba oo ka shaqaysanaysa khayraadka dhulkeenu hodonka ku yahay ay iska diiwaan galiyaan ha'adaha dawlada ee ku shaqada leh macdanta iyo khayraadka , iskana bixiyaan cashuuraha ku waajiba 

warbixintan waxay gaar u tahay  : Shabakada BAARGAAL.NET
Developed by Jago Desain