Hoggaamiyaha Waqooyiga Kuuriya oo gaaray Singapore iyo Donald Trump oo ku sii jeeda.

Hoggaamiyaha Waqooyiga Kuuriya oo gaaray Singapore iyo Donald Trump oo ku sii jeeda.


Hoggaamiyaha Waqooyiga Kuuriya Kim Jong Un ayaa gaaray dalka Singapore, halkaasoo uu ka dhici doono kulanka taariikhiga ah ee isaga iyo Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

Kim Jong Un ayaa diyaarad qaas ah ay ka soo qaaday magaalada Pyongyang, waxaa garoonka diyaaradaha Singapore ku soo dhoweeyay Wasiirka Arrimaha dibadda ee dalkaas.
Diyaaradda uu la socday Kim Jong Un oo nooceedu ahaa Ilyushin-62M jet, taasoo la sheegay inay ku soo hakatay magaalo ku taalla Shiinaha oo ay shidaal ka soo qaadatay, ka hor intaysan u duulin dalka Singapore.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa la filayaa in goor dambe oo Axada maanta ah uu gaaro Singapore.
Kulanka taariikhiga ah ee labada Hoggaamiye ayaa maalinta Talaadada ka dhici doona Jaziiradda Sentosa ee dalka Singapore.
Waxaa uu noqon doonaa markii u horeysay oo Hoggaamiye Waqooyi Kuuriya uu la kulmo Madaxweyne Mareykan ah oo xafiiska jooga.
Developed by Jago Desain