Wiil iyo Aabihiis oo lagu dilay Gaalkacyo iyo Ninkii dilka geestay oo la qabtay

Wiil iyo Aabihiis oo lagu dilay Gaalkacyo iyo Ninkii dilka geestay oo la qabtay
Wararka ka imanaya magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa sheegay in Askari horay uga tirsanaa ciidamada Puntland uu toogasho ku dilay Wiil iyo Aabihii.
Guddoomiyaha degmada Gaalkacyo ee dowlad gobolleedka Puntland Maxamed Yaasiin Axmed ayaa shegay in Askarigan oo horay loogu ruqseeyay ciidamada uu rasaas ku furay dad ku sugnaa hoteel ku yaala Gaalkacyo, halkaasoo uu dilay Wiilka iyo Aabihii.
‘’Ninkan xanuun dhinaca maskaxda ah ayuu qabay horay ayaa ciidamada looga ruqseeyay Qoriggii uu sitayna waa laga qaaday, waxaan baareynaa hadda Qoriggan danbe ee uu dadka ku dilay halka uu ka keenay’’ ayuu yiri guddoomiyaha.
Ma jirto cid kale oo la sheegay in ay wax ku noqotay rasaasta, waxaana wararku intaa ku darayaan in gacanta lagu dhigay shaqsigan toogashada geystay.
Developed by Jago Desain