Magaalada Taageer ee Degmada #Baargaal ee Gobolka #Gardafuu oo lagu caleema saaray Nabadoon C/laahi Nabadoon Caynab [Sawiro]

Magaalada Taageer ee Degmada #Baargaal ee Gobolka #Gardafuu oo lagu caleema saaray Nabadoon C/laahi Nabadoon Caynab [Sawiro]

Magaalada  Taageer ee Degmada Baargaal  ee gobalka Gardafuu waxaa  lagu caleema saaray Nabadoon Cabdulaahi Nabadon Caynab muuse Xaaji Samatar oo Nabadoon u noqon doona Beesha Liibaan Cabdisamad ee Beelaha aadan Cabdiraxmaan ee Siwaaqroon 

Xalafada caleema saarka oo ahayd xaflad lagu caleema saaro Nabadoon tii ugu waynayd oo lagu qabto deeganada gobolka Gardafuu iyo  Calbari ayaa ahayd mid si qurux badan loo soo agaasimay iyadoo lagu saleeyay Hidaha iyo dhaqanka soomaaliyeed ayaa waxaa ka soo qayb galay dhamaan Nabadoonada deegaanka iyo Nabadoono iyo cuqaal ka kala yimid degmooyinka iyo magaalooyin waawayn  ee Puntland iyo Soomaaliya iyo Aqoonyahano iyo waxgarad ka yimi dalalka deriska ah, samadoono, culamaaudiin , masuuliiyin ka socada Dawlada Puntland oo uu hogaaminaayay Xildhibaan Salaad Xareed cali, iyo sidoo kale gudoomiyaha Gobolka Gardafuu Maxamuud Axmed Caynab Gubsul iyo Gudoomiyaha Degmada Baargaal Abuukar Axmed Yuusuf iyo Taliyaha Qaybta Gobolka Gardafuu taliye shire Cabdi  ismaaciil iyo marti sharaf kale oo kor dhaafay 700 oo qof 
Isimadii iyo Nabadoonadii ka hadlay Caleemasarka  oo ka jeediyay madashii caleemasaarka  khudbado isugu jiray Dardaaran iyo Duco ayaa waxa ay sheegeen in ay Nabadoonka Cusub ay ku soo dhaweeynaayaan Saaxada Nabadoonada islamarkaana ay garab taagan yihiin.
Inta badan Masuuliyinta ka soo Qeb Gashay Caleema saarka oo goobta ka hadalay ayaa balan qaaday in ay soo dhaweeynayaan Nabadon Cabdulaahi Nabadoon Caynab islamarkaana ay alle uga baryayaan in uu xilka u fududeeyo.
Nabadoon cabdulaahi Nabadoon caynab  oo ugu danbayntii ka hadlay munaasimda caleemasaarka ayaa marka hore bogaadiyay sida wayn ee  loo soo ajiibay oo looga soo qaybgalay xaflada caleemasaarkiisa asagoo  ka codsaday in ay la shaqeeyaan wuxuuna u duceeyay dadka iyo dalka in ilaahay u siyaadiyo nabadda , kana dulqaado abaarta  uguna badalo raxmad iyo barwaaqo 


Waa markii ugu horeesay Caleemasaar Noocaan oo kale ah uu kadhaco deegaanada Calbari iyo gobolka gardafuu

Dhamaan maamulka iyo  shaqaalaha shabakada BAARGAAL.NET waxay u hanbalyaynaayaan Nabadoon cabdulaahi Nabadoon caynab Ayagoo ilaah uga baryaaya Nabadoonka cusub inuu u fududeeyo hawsha loo igmaday




 








 
 


Developed by Jago Desain