Wasiirka arrimaha dibadda #Soomaaliya & Safiirka #Imaaraadka oo kulan gaar ah wada qaatay

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliya & Safiirka Imaaraadka oo kulan gaar ah wada qaatay

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliya Axmed Ciise Cawad ayaa kulan gaar ah Magaalada Muqdisho kula qaatay Safiirka dowladda Imaaraadka Carabta u fadhiya Magaalada Muqdisho.
Imaaraadka Carabta ayaa dooneysa sidii loo xalin lahaa khilaafka ka dhex taagan Imaaraadka iyo dowladda Somaliya, waxaana maalmahan dambe Safiirka Imaaraadka lagu arkayaa fagaarayaasha Siyaasadda Somaliya.
Axmed Ciise Cawad iyo Safiirka Imaaraadka Carabta Mohamed Al-Cuthmani ayaa ka wada hadlay xiriirka labada dal ee Somaliya iyo Imaaraadka iyo sidii loo wanaajin lahaa.
Saraakiil ka tirsan Wasaaradda arrimaha dibadda Somaliya ayaa sheegay in Imaaraadka ay isku dayayaan xalinta Khilaafaadkii sababay in Imaaraadka ay joojiyaan tababaradii ay siin jireen ciidamada Xoogga dalka iyo mad madowgii xiriirka labada dal soo kala dhex galay.
Inkastoo Imaaraadka Carabta ay wadaan dadaalada xalinta Khilaafaadka taagan, ayaa haddana dhanka dowladda Somaliya jirin wax war ah oo ka soo baxay oo arrimahan ku aadan.
Somaliya oo ah dal qani ah, islamarkaana muddo ku soo jiray bur bur ayaa hadda wuxuu ka soo kabsanayaa xaalad dagaal, xilli dowlado kala duwan ay hardan adag ku bixinayaan khayraadka kala duwan ee Somaliya ku jira.
Developed by Jago Desain