Xog: Weerarka Otto Otto oo #khilaaf ka dhex abuuray Madaxda #Qaranka & Hay’adaha #amaanka





Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa weerar ismiidaamin iyo mid toosa oo lagu qaaday Xarunta Wasaarada Arrimaha Gudaha Xukuumada Somalia ee Otto Otto.
Weerarka oo khasaaro lixaad leh geystay ayaa khilaaf ka dhex abuuray Madaxda ugu sareysa dalka iyo Hay’adaha amaanka dowlada.
Khilaafka ka dhashay weerarka ayaa xoogiisa u dhexeeya Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre iyo Madaxda iyo Taliyayaasha Hay’adaha amaanka.
Khilaafka ayaa soo ifbaxay kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in weerarka ay fududeeyen Saraakiil ka tirsan Hay’adaha amaanka oo qaab khaldan u adeegsaday xilalka amni oo ay u hayaan dowlada Somalia.
Ra’isul wasaare Xasan Kheyre oo aan ku qancin warbixinta laga siiyay weerarka ayaa amar ku bixiyay in Jawaab degdeg ah laga keeno weerarka muddo 48 saacadood, iyadoo haddii jawaabtaasi la waayo ay xilka ku weyn doonaan ilaa 4 Taliye ciidan oo ku lug lahaanshiyaha weerarka looga shakisan yahay.
Kheyre ayaa Madaxda Hay’adaha amaanka ku wargaliyay inuu qaadi doono talaabo fal celin ah waa haddii la waayo cadeymaha weerarka iyo shaqsiyaadka ku lugta lahaa fududeynta.
Sidoo kale, weerarka Wasaarada ayaa tuhun weyn ka dhex abuuray Madaxda Hay’adaha amaanka waxa ayna xigtu tahay mid muujineysa inay ka qeybqaaten Saraakiil ka tirsan Hay’adaha amaanka oo sii daayay gaadiidka Qarxay iyo maleeshiyaadka galay xarunta.
Lama saadaalin karo halka uu caga dhigan doono khilaafka, waxaana loo badinayaa in mas’uuliyiin badan ay xilkooda ku weyn doonaan maadaama ay soo ifbaxeyso in kiiska weerarka loo hayo cadeymo.
Developed by Jago Desain