Arrin cusub: Kenya oo ka hortaga Qaraxyada Al-Shabaab u adeegsaneysa Geel la tababaray

Arrin cusub: Kenya oo ka hortaga Qaraxyada Al-Shabaab u adeegsaneysa Geelo la tababaray
Sida ay baahiyeen wargeysyada kasoo baxa dalka Nairobi waxaa ka hortaga Qaraxyada loo tababarayaa 50 Geel oo la sheegay inay si dhow ula shaqeyn doonaan ciidamada.
Geelashaani ayaa waxaa diyaarinaaya Saraakiil ka tirsan Booliska Kenya waxa ayna ciidamada howdka iyo kuwa xuduudaha ka caawinayaan inay sheegan Qaraxyada ay Shabaabka u diyaarinayaan dowlada.
Geelashaani ayaa waxaa laga diyaarinayaa dhinacyada uriska iyo abaarida goobaha lagu diyaariyo Qaraxyada, isagoo si gaara u ugaarsan doona Gaadiidka miineysan.
Geelashaani loo tababarayo ka qeyb qaadashada sugida amniga ayaa waxaa adeegsan doona  ciidamada ilaalada sohdimaha ay ku muransan yihiin Booranta iyo Soomaalida ee gudaha Kenya iyo ka hortaga weerada Al-Shabaab.
Waxa ay Geelashaani xoogooda ka howlgali doonaan deegaano ka mid ah gobolka Waqooyi bari Kenya, gaar ahaan goobaha ay ku badan yihiin Kooxaha xagjirka ah.
Mid kamid ah Saraakiisha Booliska oo ay xiganayeen wargeysyada ayaa yiri “Waxaa geelasha lagu dhex deyn doonaa howdka iyo goobaha cagaaranka ah si ay ula socdaan Gaadiidka Qaraxyada sida iyo kuwa hubeysan ee lagu qalqal galiyo amniga xuduudaha”
Geelasha ayaa sheegi doona xitaa Qaraxyada miinooyinka ah ee loo aaso gaadiidka ciidamada Kenya kuwaa oo kusii kordhaaya deegaanada Soomaalida.
Si kastaba ha ahaatee, Qaraxyada lala beegsado gawaarida ay wataan booliska kenya ayaa waxaa ku geeriyooday in ka badan 70 ka tirsanaa Saraakiisha booliska Kenya tan ayaana yareyn karta in saraakiisha booliska ay ku waxyeeloobaan qaraxyada noocaasi ah.
Developed by Jago Desain