Boosaaso: Dab Xoogan oo Ka kacay xarun lagu keeydiyo shidaalka

Boosaaso

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland ayaa waxa ay sheegayaan in xalay uu dab ka kacay xarun lagu keeydiyo shidaalka.
Dabkaan ayaa ka kacay Xarunta shidaalka ee Puntland Petrolium oo ku dhow xarunta ciidamada Badda Puntland ee magacooda loo soo gaabiyo PSF.
Dabka oo aan si rasmi ah loo ogeeyn waxa uu ka dhashay ayaa haddana goobjoogayaashu waxa ay sheegeen in dabka uu sameeynayay qarax foostooyinka shidaalka ah.
Durba waxaa goobtaasi gaaray gaadiidka dabdamiska kuwaasi oo xalay saqdii dhexe damiyay dabkaasi kacay.
inta dabka uu socday dadka ku dhaqan xaafadaha u dhow halka dabka uu ka kacay ayaa cabsi ka muujinayay in dabka uu fido.
ilaa iyo iminka si rasmi ah looma shaacin inta uu la egyahay qasaaraha maaliyadeed ee ka dhashay dabkaasi xalay kacay walina ganacsatadii laheyd Xarunta Gubatay kama warbixin qasaaraha halkaasi ka dhashay.
Developed by Jago Desain