Cabdi Faarax Siciid #Juxa Oo Garoowe Kaga Dhawaaqay Inuu Yahay Musharax Madaxweyne Doorashada Puntland 2019

Cabdi Faarax Siciid #Juxa Oo Garoowe Kaga Dhawaaqaya Inuu Yahay Musharax Madaxweyne Doorashada Puntland 2019

Magalada Garoowe ee Caasimada Dawlad Goboleedka Puntland waxaa ka dhacday munaasabad uu kaga dhawaaqay in uu yahay musharax Madaxweynaha Puntland Wasiirkii hore e Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi faarax Siciid Juxa.

Munaasabada ayaa waxaa ka soo qaybgalay  siyaasiyiin, dhalinyaro iyo masuuliyiin ka socday qaybaha kala duwan ee bulshada ayagoo ka soo jeediyay madashay khudbado ay ku amaanayaan musharaxa kagana hadlaayaan waxqabadkiisi hroe ,


Cabdi faarax Siciid Juxa ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu u sharaxan yahay Madaxweynaha Puntland doorashada la filayo in ay dhacdo Sanadka 2019-ka.

musharax Juxaa ayaa soo bandhigay qorshihiisa waxqabad, sababaha ku dhaliyey musharaxnimada, rajada uu ka leeyahay doorashada Puntland, wuxuuna madaxweynaha Puntland ugu baaqay in doorashada waqtigeedii lagu qabto oo uu magac uga tago.

Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi faarax Siciid Juxa ayaa mar waxa uu sidoo kale soo noqday wasiirka waxbarashada Puntland xilligii uu Puntland Madaxweyne ka ahaa Cabdiraxmaan Sheekh Maxamuud Faroole.

Marka laga soo tago musharaxnimada Madaxweynaha Puntland ee Wasiirkii hore e Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi faarax Siciid Juxa ayaa waxaa jira tiro kale oo musharaxnimadooda ku dhawaaqay iyo kuwo kale oo todobaadyada nasoo aadan ku dhawaaqi doona.


Developed by Jago Desain